Hargeysa(ANN)Masuuliyiinta Hay’adaha iyo Ururada Saxaafadda Madaxa-banaan ee Somaliland ayaa soo saaray shalay War-saxaafadeed jawaab u ah qoraalka ay  hore u soo saareen shakhsiyaad sheegtay inay metelayaan Ururada Saxaafadda Somaliland, kuwaas oo aanay jirin cid u igmatay masuuliyada

ay sheegteen ee ay wax kaga sheegeen War  ku soo baxay Wargeyska Waaheen oo aanay cadayn ka uu yahay.
Masuuliyiintani waxa ay cadeeyeen inuu qoraalka ay shakhsiyaadkaasi soo saareen uu ahaa mid lagu majarahabaabinayay Ummada,  isla markaana lagu weerarayey Wargeyska Waaheen, kaas oo u qornaa sidan:-
“Anagoo kala ah Mas’uuliyiinta Ururada Saxaafada, Hay’adaha Madaxa-banaan iyo Suxufiyiinta ka hawl-gasha Somaliland, waxaanu halkan ku cadaynaynaa in aanay jirin koox ama shakhsi gaar ah oo aanu u igmanay inay ku hadasho Af-ka Suxufiyiinta, sidaasi daraadeed anagoo ka jawaabayna qoraal ay Saxaafadda ku qoreen qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Warbaahinta Dawladda ka shaqaysa  iyo koox ay isku shaqaystaan, waxaan cadaynaynaa, in aanay lahayn awood sharci oo ay ku gaadhi karaan go’aan ay wax kaga sheegayaan war ku soo baxay War-baahin ama aanay si gaar ah ugu faro-gelin karin Suxufi gudanaya waajibaadka ay u damaanad qaadeen Dastuurka iyo Xeerka Saxaafadu.
Waxaanu u aragnaa qoraalkii ay ku baahiyeen 06/June/2011 war-baahinta qaarkeed inuu ahaa mid majara habaabin ah oo aanu cadayn ujeedada laga lahaa maadaama aanay qoraalkooda ku cadayn warka ay naqdiyayaan ee Wargeyska Waaheen ku soo baxay cadadkiisii 583, isla markaana aanay jirin cid u xil-saaratay iyagu inay go’aan ka gaadhaan Wararka iyo Maqaalada ku soo baxa War-baahinta Dalka.” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Magacyada Hay’adaha iyo Ururada Madaxa Banaan ee qoraal Saxaafadeedka soo saaray waxay kala yihiin  sidan:-
1   Wargeyska Geeska Africa
2.      Wargeyska Saxafi
3.      Wargeyska Jamhuuriya
4.      Wargeyska Yool
5.      Wargeyska Foore
6.      Wargeyska Waaheen
7.      Wargeyska Dhambaal
8.      Televisionka Somaliland Space Chennel
9.      Ururka Saxaafada ee Meris
10. Somaliland Freelance Journalist Association
11. Afhayeenka Ururka SSJW
12. Afhayeenka Ururka Saxaafada SOLJA

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *