Hargeysa(ANN)Sadexda xisbi qarann ee Somaliland KULMIYE, UCID iyo UDUB ayaa jawaabo kala duwan ka bixiyay maanta markii u horaysay si gooni gooni ah uga hadlay  aragtidooda la xidhiidha natiijadii ay Guddida tallo bixinta ururada siyaasada ay ku shaaciyaan in dib loo furo ururada

siyaasada.
Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdioo maanta xarunta dhexe ee xisbiga tallada haya ugu waramayay warbaahinta waxa uu sheegay in la fuliyay mid ka mid ah balan qaadyadii xisbigaasi ummadda Somaliland u soo bandhigay xiligii lagu jiray ololihii doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii Bishii June ee kal hore.
“Xisbiga Kulmiye hore wuu u cadeeyey, hadana waanu cadaynaynaa in dalka laga furo ururo cusub oo siyaasadeed loona furo si waafaqsan sharciga wadanka u yaal, waxana aanu ku taagan nahay balan qaadkii barnaamij siyaasadeedkayaga oo ahaa in dalka laga furo ururo cusub oo siyaasadeed si waaqafsan sharciga,imikana halkii uu baanu taagan nahay.Umadada Reer Somalilandna waxaanu u sheegayaa in aanau ku taagan nahay balan qaadkayagii,”ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay.shir jaraa’id oo uu saaka ku qabtay xarunta xisbiga KULMIYE.
Sidoo kale Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay dareenkiisa ayaa sheegay inay ka dhursugayaan xisbi ahaan go’aanka uu tallo bixintan ka qaato Madaxweynaha Somaliland, balse waxa uu xusay  inuu taageersan yahay go’aanka ka soo baxay Guddidii tallo bixinta ururada siyaasada.

Hase yeeshee Guddoomiye Ku Xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa go’aanka Guddida tallo bixinta ku tilmaamay mid ay ka dhalan karto cawaaqib xumo ba’ani, isla markaana aan loo baahnayn.
Marka laga yimaado jawaabaha ay ka bixiyeen masuuliyiinta saddexda xisbi qaran talo soo jeedinta gudida waxa jira aragtiyo dhinaca sharciga ah iyo doodo iska soo horjeeda dhinaca bulshada, kuwaas oo ku saabsan in dib loo furo Ururada siyaasada, iyadoo ay jiraan doodaha lagu diidanyahay in dib loo furo Ururada siyaasada oo cabsi iyo dareen raja xumo ah ka muujinaya arrintaa, kuwaas oo soo qaadanaya doodo iftiiminaya sida aanay suurta gal u ahayn in shantii sannadoodba mar la furo ururo siyaasadeed oo cusub, isla markaana shantii sannabo ay dalka ka dhacaan saddex doorasho, taas oo ay ku doodayaan inay horseedi karto dhaqaalo burbur iyo fowdo, halka doodaha kuwaa kasoo horjeedanaa ku salaynayaan arrintaa mid horseeday dumuqraadiyad iyo in  la helo tartan xalaal ah, balse dhamaan arrimaha la xidhiidha talo soo jeedinta gudida ayaa u baahan in loo gudbiyo golahayaasha sharci dejinta, ama maxkamadda  distooriga ah si ay tafsiir ugu samayso marka hore inay soo jeedintu waafaqsantahay dastuurka, ka hor inta aanu Madaxweynuhu u gudbin golayaasha sharci dejinta.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *