Hargeysa(ANN)Suxufiyiinta Ku Bahoobay Ururka Mareegaha Somaliland ee magaciisa loo soo gaabiyo (SOA), ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku cambaaraynayaan koox ku hadhashay afka ururada saxaafadda Somaliland oo qoraal ay soo saareen ku weeraray wargeyska madaxa bannaan

ee Waaheen.

War-saxafaadeed ka soo baxay kulan dhinaca internetka ah oo ay yeesheen xubnaha ururka SOA, kuna saxeexanyahay Xogahayaha Guud ee ururka Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), waxa lagu sheegay in ururku aanu qayb ka ahayn, cidna u wakiilan inay warbaahin kale cambaareeyaan amma taageeraan, iyadoo aanay ahayn talo laga midaysanyahay.

War-saxaafadeedkaas oo dhammaystirani waxa u  dhignaa sidan; “Anagoo ah Suxufiyiinta ku bahoobay Ururka Mareega Somaliland (Somaliland Online Association), waxaannu halkan ku  cambaaraynaynaa qoraal kusoo baxay saxaafada  Somaliland, kaas oo ku taariikhaysnaa Salaasadii 6 Jun 2011, isla markaana  koox sheegatay magaca Ururada Saxaafadu ku canbaareeyeen war lagu qoray wargeyska Waaheen ee kasoo baxa magaalada Hargeysa.

Hadaba qoraalkaa oo lagu sheegay magaca Ururada saxaafada, islamarkaana ay ku xuseen inay raali gelin ka bixinayaan warkaa. Sidaa awgeed  Ururka ay ku bahoobeen Mareega Somaliland  ee loo soo gaabiyo (Somaliland Online Association), wuxuu kulan uu maanta  oo taariikhdu tahay Khamiis  8 Jun 2011 ku  yeeshay dhinaca internet-ka  ka soo saaray qoraal kooban oo ku cadaynayo in aanay qayb ka ahayn kooxdaa sheegatay inay yihiin masuuliyiinta Ururada Saxaafada, isla markaana aanay cidna u wakiilan inay ku hadlaan afkooda oo ay canbaareeyaan, ama taageeraan arrin aanay waxba kala socon.

Ururaka ay ku bahoobeen Mareegaha Somaliland ee magaciisu yahay (Somaliland Online Association), isla markaana loo soo  gaabiyo (SOA), wuxuu mar labaad Bulshada Somaliland iyo cid walba u xaqiijinayaa in warka kooxdaasi ku canbaaraysay  wargeyska Waaheen aanay waxba kala socon, isla markaana aanay u muuqan mid waafaqsan dhaqanka saxaafada, iyadoo ay ahayd in haddii wargeysku daabacay qoraal ama war loo baahanyahay in la saxo loo mari lahaa wado aan ahayn ta ay kooxdan sheegatay masuuliyiinta Ururada Saxaafadu mareen, kuwaas oo aanu u aragno inay arrintii dhextaalay Madaxtooyada iyo Wargeyskaa u bedeshay dagaal dhinaca warbaahinta ah oo saxaafada laysugu adeegsado iyo dhaleecayn aan loo baahnayn oo warbaahinta laysigu jawaabayo, taas oo aanu u aragno inay  luminayso ujeedadii  iyo hadafkii saxaafada loo aasaasay iyo adeegii ay bulshada u haysay.

Sidaa awgeed waxaanu ugu baaqaynaa kooxda sidan u adeegsanay magaca iyo milgaha Ururada Saxaafada inay ka waantoobaan oo aanu dhaqankani noqon mid saxaafada dhexdeeda ka abuura fidno iyo khilaaf, islamarkaana bulshada iyo saxaafada is nacsiiya.

Ururka SOA waxa uu dhawaan qabanqaabinayaa kal-fadhi aan caadi ahayn oo lagaga tashanayo arrimaha ururka.” ayaa lagu yidhi qoraalka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *