images/stories/muuqaalka hutel muna ee muqdisho.jpg  Muqdisho(ANN) Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Shiikh Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay inay fuliyeen weerar is qarxin ah oo ay ku dhinteen ilaa inta laga warqabo  33 qof, oo lagu qaaday Hotel Muna oo ku yaal Muqdisho subaxnimadii hore ee saaka.

 

Hotelka oo ku yaal Degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho ayaa waxa deganaa  mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka dawlada KMG ah ee Soomaaliya, isla markaana waxa la xaqiijiyay inay dadka halkaa ku dhintay ay ku jiraan  ilaa Lix xildhibaan iyo shan ka mid ah saraakiisha dowladda Somalia.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowladda KMG  ah,  Cabdiraxmaan Xaaji Aadan ayaa BBC u sheegay in ragga weerarka soo qaaday ay markii hore rasaas ku fureen dadka hotelka joogay, balse markii  ay debeda usoo baxeen  ciidamada dowladdu ee  ay rasaastii  ka dhamaatay  ay isku dhex qarxiyeen Hotelka. Dhinaca kaleAfhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa Isla Waxyar kadib Qaraxii ka dhacay Saaka Gudaha Hotel Muna kula hadlay Warbaahinta Magaaladda Muqdisho islamarkana u sheegay in ay ka dambeeyeen amaba ay Soomaleegeen Qaraxii Hotelka Muna ee ay ku lideen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka  iyo Dadka Shacabka ee ku sugnaa Gudaha Hotelka.
Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa Warbaahinta Magaaladda Muqdisho u Sheegay Qaraxii Saaka ka dhacay Gudaha Hotel Muna in ay Fuliyeen Guutada Kamaandooska ee Xarakada Alshabaab.
Sheekh Cali Dheere ayaa Sheegay Guutada Kamaandooska ee Xarakada Alshabaab in ay Saaka si farsameysan u gashay Gudaha Hotel Muna oo ay buux dhaafiyeen Xildhibaanada Baarlamanka, Wasiiro iyo Saraakiisha Ciidanka Dowladda kMG Waxaana halkaas lagu cidhib tiray ayuu yidhi  Cali Dheere Waxa Loogu yeedho Baarlamaanka
Sheekh Cali Dheere ayaa intaa ku daray in ay Khasaare baaxad weyn  ay u geysteen Guud ahaan Dhinacyada Kooxa Dowladda kMG ee ku sugnaa Gudaha Hotel Muna Waxaana Soo gaadhay ayuu yidhi Cali Dheere Jab Weyn, Wuxuuna Sheegay inay u mahad celinayaan dhalinyaradii fulisay Qaraxaa.
Qaraxa ayaa kusoo beegmay xili ay wacad ku mareen kooxaha dagaalka kula jira dawlada KMG inay qaadayaan duulaan hor leh, isla mmarkaana dagaalo baahsan ayaa maalintii shalay ilaa saaka ka socday magaalada Muqdisho, iyadoo ay jiraan tirooyin dhaawac ah oo kor u dhaafay sideetaneeyo, halka ay dhimashadu gaadhay sodoneeyo ilaa inta la ogyahay.
Sidoo kale xarakada Al-shabaab ayaa gebi ahaanba la wareegay Idaacadii Quraanka Kariimka ah ee Muqdisho, taas oo ay sheegeen inay iyagu kafaala qaadayaan.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda kMG Sheekh Shariif ayaa ka hadlay Qaraxii ka dhacay Saaka Hotel Muna ee Magaaladda muqdisho ee ay ku geeriyoodeen Xildhibaanada, Saraakiisha Ciidanka iyo Waliba Dadka Rayidka ee ku sugnaa Gudaha Hotelka, Wuxuuna ku tilmaamay inay tahay wax laga xumaado Falkii ay Soo Maleegeen Kooxaha Nabad Diidka ah ee Shacabka Soomaaliyeed dhibka ku  haya.
Sheekh Shariif ayaa weerarka ku tilmaamay Fal Argagixiso Caalamiya waxayna qeyb ka tahay ayuu yidhi  Dhibaatada Argagixisadu u keento  Shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuuna  ugu baaqay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed  inay Xidida u siibaan Kooxaha Baneystay Dhiigaca Shacabka Soomaaliyeed isagoo  sidoo  kale ugu baaqay Shacabku inay  la shaqeeyaan Ciidamada Amaanka si looga guulaysto ayuu yidhi Kooxaha baneystay daadinta dhiiga Soomaaliyeed.

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *