Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa soo saaray digreeto uu ku dhaqan-gelinayo Qoraal uu madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin uu ugu oggolaaday Shirkada Som-cable Ruqsada keenista Kaybalka Bada hoosteeda la soo marin doono.

 
Sidan waxaa lagu sheegay War-saxaafadeed uu ku sexeexan yahay AF-hayeenka Madaxtooyada C/laahi Maxamed Daahir  ( Cukuse] oo ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, kaas oo uu Madaxweyne Siilaanyo uu ku dhaqan-geliyey oggolaanshihii hore Madaxweynihii hore ee Somaliland.
 
Qoraalka War-saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyadu, wuxuu isagoo dhamaystiran u qornaa sidan;- 
“Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa soo saaray Digreeto uu ku ogolaanayo Dhaqangelinta Qoraalka uu madaxwaynihii hore Ruqsada keenista Kaybalka Bada Mara ku siiyey Shirkada Somcable Ka dib:
 
Markuu Arkay Codsiga uu soo qoray Maamulaha Shirkada Somcable ee ku taariikhaysan
05-082010
 
Markuu arkay Warqada Ogolaanshiiyaha ee ka soo baxday xafiiska Madaxwaynha 15-08-2010 ee ku saabsanayd Ruqsada kaybalka bada mara ( Submarine Cable ) ee ay bixisay Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo la bixiyey 07- November 2009.
 
Markuu arkay Jiwanka Cashuur qabashada (Voucher 066606) ee wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta. 
 
Markuu arkay: Shahaadada (Certification ) ogolaansha dhigista iyo dhisida kaalinta laga isticmaalayo Submarine Cable.
 
Markuu arkay Muhiimada Dhaqaale iyo huru-marineed ee uu wadanka u leeyahay xadhiga badda mara ee Fiber Optic Cable-ku
 
Madaxwaynuhu waxa uu ogolaaday Dhaqangelinta qoraalka hore uga soo baxay xafiiska madaxwaynaha JSL ee lagu siiyey ogolaanshaha shirkada Somcable Ruqsada keenista Kaybalka Badda mara (Submarine Cable) taas oo ku salaysan Xeerarka Dalka iyadoo loo raacayo Dastuurka iyo Xeerarka ka Farcama.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *