Berbera(ANN) Xukuumadda Madaxweyne Silaanyo, ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Qaybta Berbera ee ciidammada bileyska Cabdi Muuse Cabdillaahi, waxaana Taliyaha Bilayska  loo  magacaabay 

Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahin. Munaasibad ay labadaa masuul xilka kula  kala wareegeen oo maanta ka dhacday xarunta Taliska Bilayska ee Berbera, waxa kasoo qaybgalay Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo hoggaanada ciiammada Bilayska.
Taliyihii hore Cabdi Muuse ayaa si weyn ugu soo dhaweeyey Taliyaha cusub ee uu xilka ku wareejiyay, wuxuuna ka warbixiyey xaalada ammaanka iyo hawlaha horyaala Taliyaha cusub, isla markaana waxa uu  xusay in ammaanka magaalada Berbera uu marayo meel fiican oo ay dadka shicibka ah wada shaqayn leeyihiin ciidanka. i .

Taliyaha cusub oo laga soo bedelay magaalada Ceerigaabo ee Xarunta gobolka Sanaag, ayaa ballanqaaday inuu dedaalkii hore ee Taliyaha halkiisii ka sii wado doono, wuxuuna ka codsaday shacbiga inay gacan ka siiyaan hawlaha dhinaca nabadgelyada.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *