images/stories/muuqaalka hutel muna ee muqdisho.jpg Muqdisho(ANN) Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Shiikh Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay inay fuliyeen weerar is qarxin ah oo ay ku dhinteen ilaa inta laga warqabo 33 qof, oo lagu qaaday Hotel Muna oo ku yaal Muqdisho subaxnimadii hore ee saaka.
Hotelka oo ku yaal Degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho ayaa waxa deganaa mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka dawlada KMG ah ee Soomaaliya, isla markaana waxa la xaqiijiyay inay dadka halkaa ku dhintay ay ku jiraan ilaa Lix xildhibaan iyo shan ka mid ah saraakiisha dowladda Somalia.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowladda KMG ah, Cabdiraxmaan Xaaji Aadan ayaa BBC u sheegay in ragga weerarka soo qaaday ay markii hore rasaas ku fureen dadka hotelka joogay, balse markii ay debeda usoo baxeen ciidamada dowladdu ee ay rasaastii ka dhamaatay ay isku dhex qarxiyeen Hotelka. Dhinaca kaleAfhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa Isla Waxyar kadib Qaraxii ka dhacay Saaka Gudaha Hotel Muna kula hadlay Warbaahinta Magaaladda Muqdisho islamarkana u sheegay in ay ka dambeeyeen amaba ay Soomaleegeen Qaraxii Hotelka Muna ee ay ku lideen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka iyo Dadka Shacabka ee ku sugnaa Gudaha Hotelka.
Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa Warbaahinta Magaaladda Muqdisho u Sheegay Qaraxii Saaka ka dhacay Gudaha Hotel Muna in ay Fuliyeen Guutada Kamaandooska ee Xarakada Alshabaab.
Sheekh Cali Dheere ayaa Sheegay Guutada Kamaandooska ee Xarakada Alshabaab in ay Saaka si farsameysan u gashay Gudaha Hotel Muna oo ay buux dhaafiyeen Xildhibaanada Baarlamanka, Wasiiro iyo Saraakiisha Ciidanka Dowladda kMG Waxaana halkaas lagu cidhib tiray ayuu yidhi Cali Dheere Waxa Loogu yeedho Baarlamaanka
Sheekh Cali Dheere ayaa intaa ku daray in ay Khasaare baaxad weyn ay u geysteen Guud ahaan Dhinacyada Kooxa Dowladda kMG ee ku sugnaa Gudaha Hotel Muna Waxaana Soo gaadhay ayuu yidhi Cali Dheere Jab Weyn, Wuxuuna Sheegay inay u mahad celinayaan dhalinyaradii fulisay Qaraxaa.
Qaraxa ayaa kusoo beegmay xili ay wacad ku mareen kooxaha dagaalka kula jira dawlada KMG inay qaadayaan duulaan hor leh, isla mmarkaana dagaalo baahsan ayaa maalintii shalay ilaa saaka ka socday magaalada Muqdisho, iyadoo ay jiraan tirooyin dhaawac ah oo kor u dhaafay sideetaneeyo, halka ay dhimashadu gaadhay sodoneeyo ilaa inta la ogyahay.
Sidoo kale xarakada Al-shabaab ayaa gebi ahaanba la wareegay Idaacadii Quraanka Kariimka ah ee Muqdisho, taas oo ay sheegeen inay iyagu kafaala qaadayaan.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda kMG Sheekh Shariif ayaa ka hadlay Qaraxii ka dhacay Saaka Hotel Muna ee Magaaladda muqdisho ee ay ku geeriyoodeen Xildhibaanada, Saraakiisha Ciidanka iyo Waliba Dadka Rayidka ee ku sugnaa Gudaha Hotelka, Wuxuuna ku tilmaamay inay tahay wax laga xumaado Falkii ay Soo Maleegeen Kooxaha Nabad Diidka ah ee Shacabka Soomaaliyeed dhibka ku haya.
Sheekh Shariif ayaa weerarka ku tilmaamay Fal Argagixiso Caalamiya waxayna qeyb ka tahay ayuu yidhi Dhibaatada Argagixisadu u keento Shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuuna ugu baaqay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed inay Xidida u siibaan Kooxaha Baneystay Dhiigaca Shacabka Soomaaliyeed isagoo sidoo kale ugu baaqay Shacabku inay la shaqeeyaan Ciidamada Amaanka si looga guulaysto ayuu yidhi Kooxaha baneystay daadinta dhiiga Soomaaliyeed.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380