Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh AdanMuqdsiho (ANN) Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Aden, ayaa ka digay in dalka Soomaaliya uu yeelan doono Madaxweynayaal badan haddii doorasho la qaban waayo bisha August ee sannadkan, iyadoo mudadaa  uu ku eg yahay xilliga dowladda ku meel gaadhka ah ee

 

Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dawladda taagta daran ee Somalia, Shariif Xasan,  waxa uu sidaa ku sheegay maanta shir saxaafadeed uu ku qabtay Muqdisho, kaas oo uu  Madaxweynaha Dowladda Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, kaga  codsaday in uu gacan ku siiyo doorashada Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee la qabanayo, isagoo yidhi, “Madaxweyne Geele Djibouti isaga waa la doortay inuu soo dhowooye doorashada ayaan ka rabnaa, maadaama uu sameeyay intii uu samayn karayay doorasho dumuqraadi ah”.
Shariif waxa uu digniin u jeediyay Raysal wasaaraha dawladda taagta daran, isagoo sheegay inuu ku xadgudbay xildhibaano uu dhowaan xidhay, wuxuuna yidhi, “raysal wasaaraha waxa doortay xildhibaanada waa inuu fahmo sharciga iyo nidaamka kala danbaynta, wuxuu raysal wasaare ku yahay waa xildhibaanada codkooda.”
Dhawaaqa Shariif ayaa kusoo beegmay iyadoo ay si weyn isu khilaafsanaayeen mudooyinkii u danbeeyay masuuliyiinta sare ee dawladda taagta daran ee Somalia, kuwaas oo isku khilaafay sida laga yeelayo marka ay dhamaato mudada hore loogu doortay dawladda oo ku eg August 2011, isla markaana ay Baarlamaanku hore mudo saddex sannadood ah u kordhiseen, taas oo beesha dalalka caalamka ee taageeraa ganafka ku dhifteen, balse ay mar kale mudo sannad ah golaha xukuumadu kordhiyeen mudada, iyagoo ku ganacn saydhay mudadaa ay hore baarlamaanku u kordhiyeen.
Dhinaca kale wakiilka Britain ee Somalia Math Bowden  ayaa waraysi khaas ah oo uu siiyay Idaacada BBC-da ku sheegay in aanay Britain taageerayn mudo kordhin aanay la socon  wax qabad dhab ah iyo barnaamij sibedel lagu higsanayo,  isagoo yidhi, “waxaana ugu baaqaynaa barnaamij isbedel buuxa ah iyo in laga heshiiyo  khilaafka waxaan rajaynaynaa in dhowaan lasoo afjari doono dagaalka lagula jiro Al-shabaab.”
Iyadoo uu jiro khilaafka sida weyn u kala qaybiyay dawladda taagta daran ee Somalia ayay weli sii socdaan dagaalada ay kaga soo horjeedaan kooxda Al-shabaab, kuwaas  oo inta baddan gacanta ku haya magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana maalmihii u danbeeyay socday dagaalo  iyo weeraro hor leh oo ay kooxda Al-shabaab ka wado halkaa, kuwaas oo doonaya inay dagaaladan kaga faa’idaystaan kala qaybsanaanta  hay’addaha dawladda taagta daran ee ay taageeraan ciidamada AMISOM  iyo kooxda  wadaadada Ehlu suna wal jameeca

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *