Warbixin – Wargeyska Sharqul Awsad

Waxay keeneen qaraxyadii Kampala ee 11-kii July, 2010 oo ay ku dhinteen 76 qof isla markaana ay ku dhaawacmeen tobanaan qof, qaraxyadaasi oo ay sheegatay ururka Alshabaab ee ka dagaalama Somalia, inay indhaha caalamka usoo jeediyaan dalka Somalia oo ay ku dagaalamayaan ururkaasi iyo dawladda ku meel gaadhka ah ee Somalia, waxaana u cadaatay caalamka in dhibaatada ka taagan Somalia ay si fudud ugu fidi karto dalalka gobolka, sida ka dhacday Kampala.
Ururka ALshabaab waxay si cad u sheegeen inay ka dambeeyeen qaraxyadaasi oo ay ku tilmaameen inay kaga aargoosanayeen duqaynta ay ciidamada Yugaandha ka wadaan magaalada Muqdisho oo ay maalin walba ku dhintaan dad rayid ahi, warkaasina wuxuu noqday mid lagu baahiyay dhammaan luuqadaha caalamka, si gaar ahna waxa markiiba cambaarayn la soo degdegtay dawladda Maraykanka oo uu markii ugu horeysay madaxweyne Brack Obama laga maqlayay kelmadda (Alshabaab) oo uu si cad u cambaaraynayay, taasi oo uu ku tilmaamay inay khatar ku tahay ammaanka gudaha ee Maraykanka iyada oo joogta Somalia.
Qaraxyadaasi Kampala waxay ahaayeen hawlgalkii ugu horeeyay ee Alshabaab ka fuliso Somalia debadeeda oo ay sheegatay inay ka dambaysay, inkasta oo ay hanjabaado ka soo yeedhayeen muddo fara badan, oo ay ku hanjabi jireen inay ka aargoosan doonaan dalalka ciidanka u soo diray Somalia, hanjabaadahaasi oo ay ula jeedeen dalalka Burundi iyo Uganda oo iyagu si gaar ah ciidamo ugu soo diray Somalia, ka dib qaraxyadaasi Kampala waxa wadnaha farta ku haya dalka Burundi oo ay isagana ugu balan qaadeen dhirbaaxo la mid ah ta ka dhacday Uganda, waxa kale oo iyaguna walaac qaba dalal fara badan oo caalamka ah, kuwaasi oo damacsanaa inay ciidamo u soo dirayaan Somalia.
Haddaba arrimahani oo dhan waxa wadda ururka Alshabaab, oo lagu tilmaamo gacmaha Alqaacida ee Geeska Afrika, taasi oo noqotay mid ay adduunyadu il gaar ah ku eegayso, maadaama oo ay cadaatay in khatarta ururkaasi uu si fudud u gaadhsiin karo waxyeelo dalal ka baxsan Somalia, oo ay dawladdo ka dhisan yihiin, arrintana waxa gacan siinaya ururkaasi oo aanay xubnihiisu ahayn oo keli ah Soomaali, balse ay ku jiraan dhalinyaro kale oo fara badan oo ka kala socda dalal ka tirsan caalamka, gaar ahaana dalalka bariga Afrika, kuwaasi oo u fududaynaya inay hawlgaladooda ka fuliyaan dalal ka baxsan Somalia.
La soco …………………

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *