Hargeysa(ANN)Xaflad damaashaad ah oo lagu xusayay sanad-guuraddii 21-aad ee ka soo wareegtay lasoo noqoshadii madaxtinimadda Somaliland, ayaa xalay  lagu qabtay xarunta Madaxtooyadda Somaliland. xafladaa oo si weyn loo agaasimay, waxa ka qaybgalay

 

Madaxweynaha  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Ku xigeenkiisa  C/raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Madaxweynihii hore ee Somaliland  Daahir Rayaale Kaahin oo xiligan ah Guddoomiyaha xisbiga UDUB, ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf,  Wasiiro ka tirsan xukuumadda, Goleyaasha qaranka, Taliyeyaasha ciidamadda qalabka sida ee Somaliland, ururadda bulshadda iyo wakiilo ka socday xisbiyadda qaranka.


Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo oo hadal xafladaasi ka jeediyay waxa uu yidhi,  “martida sharafta leh ee halkan isugu timid dhamaan iyo inta kale ee inaga maqan ee ay u soortogeli weyday inay caawa xafladan qiimaha iyo qaayaha leh inay inagala soo qaybgalaan, waxaan leeyahay hambalyo, waxaan idiinku soo dhawaynayaa xafladan caawa oo aynu ugu dabaaldegayno 21 guurada ka soo wareegtay 18-ka May, waana wakhtigii aynu madax banaanida la soo noqonay, wakhtigaasi waa wakhti dheer.”
“Waxaynu u baahan nahay dawlad ahaan iyo shacbi ahaanba in aynaan ka daalin waynu ognahay dalkeena iyo dadkeeniba way inoo dhisan yihiin, duniduna way inagu qiimaysaa, way inagu qadarisaa, inaguna waxaynu ula dhaqanaa caalamka in aynu nahay dal ku taagan lugihiisa oo dhibaato aanay ka taagnayn oo wanaag iyo dimuqraadiyad, isu hanayn iyo wada shaqayn ay ku dheehan tahay ayaa dalkeena ka hanaqaaday,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka hadlaya qadiyada ictiraaf raadinta somaliland wuxuu yidhi,  “Sidaa ayay inoogu socon doontaa, oo aynu ku dadaali doonaa ilaa aynu gaadhno aayaha iyo waxa aynu rabno in aynu gaadhno oo ah citiraaf buuxa oo qarankeena gaadho, aad iyo aad ayaan idiinku soo dhawaynayaa xafladeena.”
Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa madaxweynihii lagaga guulaystay doorashadii madaxtooyada , ayaa isna hadal kooban ka jeediyay xafladaa, wuxuuna  ugu horayn madaxwaynahe Siilaanyo uga mahad naqay xaflada uu ku marti qaaday, isagoo carabka ku dhiftay   in 18-ka May ay tahay maalin qaran loona baahan yahay in laga qayb galo.
Daahir Rayaale  wuxuu hadal kooban oo uu ka jeediyay xafladaa  ku yidhi,  “Marka hore madaxweyne waxaanu kaaga mahadnaqaynaa martida qaadkan aad noo fidisay ee aanu kaala soo qaybgalay maanta waa maalin qaran, ee maalin xisbiyo ma aha, maalmaha qarankana waa in aan ka wada qayb galo dhamaan ayaa inagu waajib ah.”

Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu  illaahay uga baryay in ummada Somaliladn ay gaadhaan u jeedada ay u socdaal, isaga oo dhinaca kale hambalyo u diray guud ahaanba shacbiga Somaliladn guddo iyo dibadba xuska 18-ka May awgeed “ waxaan Illaahay ka rejaynayaa dadaalka ummadani ku jirto in uu Illaahay ku garab galo, oo u jeedada ay u socdaan ay gaadhan shacbiga reer Somaliland-na guddo iyo dibad meel kasta oo uu joogaba waxaan leeyahay hambalyo munaasibadan awgeed, waxa kale oo aan salaamayaa dhamaanba martida ka soo qaybgashay.” Ayuu yidhi Daahir Rayaale.
Munaasibadaa oo ahayd mid ay ka qaybgaleen ku dhowaad kun qof, waxa lagu soo bandhigay Riwaayad xanbaarsan fariin tilmaamaysa waxyaabaha ay qabatay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo waxyaabaha looga baahanyahay iyo aidoo kale suugaan ku saabsan taariikhdii iyo marxaladihii  ay soo martay qaranimadda Somaliland ee loo debaal-degayo 21 sano-guuradeedii.
Xuska munaasibadaa ayaa si weyn looga dabaaldegey gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan, iyadoo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo golayaasha qaranku kala qaybgaleen dadka munaasibadaha ka dhacay  magaalooyinka waaweyn iyo degmooyinka  dalka. sida Burco, Berbera, Boorama, Ceergaabo, L:aascaanood iyo meelo kale.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *