riyo raacHargeysa(ANN) Urur siyaasadeedka UMMad, ayaa taagaaro u muujiyay kooxdii weerartay xerada ciidanka qaranka Talaadadii lasoo dhaafay, kuwaas oo ay maxkamadda ciidanku ku xukuntay xukuno kala duwan. Qoraal saxaafada

loogu talo galay oo uu ku saxeexanyahay Gudoomiye xigeenka labaad ee Ururka Umad  Eng.Abdirashiid Maxamuud cali, ayaa lagu sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka muuqato khibrad la’aan, isla markaana go’aanka Maxkamaddu yahay mid ay ku  deg-degtay.  Waxaana qoraalka Ururka Ummad u qornaa sidan:- “Ururka Umaddu wuxuu nasiib darro weyn u arkaa dhacdadii naxdinta lahayd ee dhimashada iyo dhaawaca keentay ee ka dhacday magaalada Hargeysa 15/05/2012, ururka umaddu isagoo ka xun kana tiiraayeysan wuxuu tacsi u dirayaa dhamaan bulshada reer somaliland gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen dhamaan dadkii dhintay inta dhaawa ahna waxaanu illaahay uga baryaynaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo.
Ururka Umaddu wuxuu aaminsa yahay in ciidanka qaranku huwan yahay milgihii iyo karaamadii umada una taagan yahay ilaalinta jiritaanka qaranimda somaliland, mudan yahayna in muwaadin kastaa ku xurmeeyo, waxaan ku talineynaa in laga fogaado xukuumad iyo shacaba wax kasta oo dhaawici kara xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya shacabka iyo ciidanka, gaar ahaan xukuumadu in aanay u adeegsan ciidanka fal shacabka u tusi kara in ciidanku yahay cadawgooda.
Dhacdadani waxay muujineysaa iney jirto masuuliyad darro iyo khibrad la’aan ka muuqata qaabka dawladu u waajahdo khilaafyada ka dhacda dalka oo tani ugu danbaysay, kuwaasoo keenay khasaarooyin laga baaqsan kari lahaa.
Ururka Umaddu wuxuu u arkaa go’aankii maxkamadu inuu ahaa mid lagu degdegay oo aan laga fiirsn cawaaqib xumada uu keeni karo, waxaananu soo jeedineynaa in madaxweynuhu soo dhex gallo arrinta isagoo awoodiisa dastuuriga ah u adeegsanaya danta qaranka.
Somaliland waxay ku caano maashay shacbi iyo dawladba iney wada ilaashadaan wada jirkooda iyo nabad galyadooda, iyadoo ay caado u ahayd wixii khilaafaad ah ee yimaada iney wada tashi iyo isku tanaasul lagu dhamayn jiray.
Sidaa darteed ururka umaddu wuxuu ku baaqayaa in xaalad la dajiyo laguna dabaalo dariiqa wada hadalka .Ugu danbayntiina ururka umaddu wuxuu Hambalyo u dirayaa guud ahaan shacbi weynaha reer somaliland gudaha iyo dibada munaasabada 18 may 2012 sanad guurada 21 ee ka soo wareegtay la soo noqoshsada madaxbanaanida somaliland.”
Dhinaca kale Salaadiinta Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ay kasoo jeedeen kooxda malayshiyada ah, ayaa xaal ka bixiyay dhacdadaa, waxayna sheegeen inay arrintaasi ahayd mid aan ka turjumayn talo ay ka midaysnaayeen dadka deegaanku, balse gaar ku ahayd dhalinyaradaa. Suldaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Aw Good, ayaa sheegay inay go’aan afar qodob kooban oo ay ka soo saareen shaqaaqdii dhacday, isagoo yidhi, “Shir ay isugu yimaaddeen rag gaadhaya 500 qof oo go’aan heshiis ah ka soo baxay. Waxay qodobaddiisu kala yihiin sidan;- in aannu hadaanu nahay bulshada  deegaankaa qaadanno wixii dhacay oo ahaa khalad aanay deegaan, jilib iyo raas toona ka tashan, in aan wax dambe dhicin oo nabadgelyada gacanta lagu qabto, in la sameeyey guddi arrintaasi dabagasha maanta ilaa waqtiga ay dhammaanayso, in guddigaa la sugo oo arrinta lagu taageero oo aan loo waydaaran, ama la docodocayn ee lagu kalsoonaado.” Ayuu yidhi Suldaan Aw Good.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *