Garoowe(ANN)Shirkadda Horn Petroleum Corp ayaa sheegtay inay joojisay ceelkii shidaalka ee ay ka qodaysay dooxada Darroor ee Puntland, waxaanay
xustay in aanay u muuqan in halkaas uu shidaal ka iman karo.Warbixin

ay shirkaddu soo saartay waxay ku sheegtay inay riiggii ka saartay halkii uu ku mudnaa, iyada oo xustay inay hore u qorshaysay in marka ay hoos u socdaan 3800-mitir uu shidaal iman doono, bal se ay gaadheen 3430-mitir, laakiin aanay hayn wax shidaal ah.

Shirkaddan oo saldhiggeedu yahay dalka Kanada ayaa waxay sheegtay in hawsha lagu qodayo shidaalka ay u wareejin doonto deegaanno kale oo Puntland ka tirsan, iyada oo heshiiska shirkaddan iyo Puntland ay galeen uu dhigayo in 51% ay shirkaddu yeelato shidaalka la helo.

Hawsha lagu qodayo shidaalka Puntland oo bilaabantay bishii January ee sannadkan ayaa noqonaysay markii ugu horreysay ee Soomaaliya laga bilaabo shidaal qodis.

Puntland ayaan weli ka hadlin joojinta ay shirkadda Horn Petroleum Corp ku gebagebaysay hawlihii qodista shidaalka ee ay Puntland ka wadday, iyada oo aanay shirkadduna sheegin halka ay qodidda shidaalka ka bilaabayso.

Madaxweynaha Puntland,  Cabdiraxmaan Faroole ayaa hore u sheegay inuu shidaalkani Puntland u horseedi doono horumar, isaga oo xusay inay dedaal badan ku bixiyeen sidii ay shirkaddan u bilaabi lahayd hawsha qodista shidaalka.

xigasho Weedhsan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *