Hargeysa(ANN)Gudoomiye xigeenkii  koowaad ee golaha Guurtida Somaliland Sheekh Axmed Nuux Furre, ayaa saaka  waabarigii ku geeriyooday Gurigiisa

 

Magaaalada Hargeysa.  Marxuumka oo mudooyinkii u danbeeyay xanuunsanay.
Marxuumka ayaa loo sameeyay aas qaran, iyadoo aaskiisa ay ka qaybgaleen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, Xubnaha kale shirgudoonka labada gole baarlamaan, Masuuliyiinta axsaabta qaranka, Hay’addaha dawlada iyo boqolaal qof oo shacab ah.

Maydka Marxuumka ayaa la geeyay Masjidka Al-xoriya ee 26 Jun, halkaas oo ay Madaxweynaha Somaliland, Gudoomiyaha Guurtida, masuuliyiinta kale  iyo boqolaal ka mid ah Bulshada Magalaada Hargeysa kaga qaybgaleen  Salaatu Jinaasada Marxuumka, iyadoo markaa ka dibna lagu aasay Marxuumka Xabaalo ku yaal Xaafadda Goljano oo Marxuumka  ku dardaarmay  intii uu noolaa.

ALLE ha u naxariistee Sh. Axmed Sh, Nuux Furre waxa uu Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida ahaa mudo ku siman 22-kii sanadood, wuxuuna  ka mid ahaa xubnihii faro ku tiriska ahaa ee lagu aasaasay Golaha Guurtida, isagoo ka mid ahaa Odayaasha ugu magaca dheer golaha ee horseedka u ahaa kaalin  weyna kasoo qaatay nabadayntii bulshada Somaliland, hubka dhigistii maleeshiyaadkii iyo dib u dhiska Hay’addaha dawliga ah.
Shirgudoonka Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland ayaa dhambaalo tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii, Golaha Guurtida iyo shacbiga Somaliland ee uu ka geeriyooday ALLE ha u naxariistee Marxuum- Sheekh Axmed Furre oo ay ku sifeeyeen rukun weyn oo ka baxay qaranka Somaliland, waxayna Illaahay  uga baryeen Marxuumka inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskiisiina samir iyo iimaan ka siiyo.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa ka  tacsiyeey Qoyskii, Golaha Guurtida, Ehelkii, Qaraabadii iyo shacbiga Somaliland, Dhanbaal Tacsi ah oo qasriga Madaxtooyada kasoo baxay ayaa u qornaa sidan:-

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM,  SHEEKH AXMED SHEEKH NUUX FURRE, oo ahaa Gudoomiye ku-xigeenkii koowaad ee Golaha Guurtida JSL, oo ku geeriyoday 03.04.2013 Magaalada Hargeysa laguna aasay maanta.

Madaxweynaha JSL, oo ka qayb-galay aaskaasi ayaa waxa uu  marxuumka ku sifeeyey masuul qaran oo ummadda miisaan culus ku leh in badana ay xasuusan-donaan ummaddu doorkii uu ka soo qaatay dhib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha wada-dega Somaliland, sidoo kalena waxa uu ku tilmaamay madaxweynuhu kaalintii lama illaawaanka ahayd ee uu ku dhex lahaa bulshada, dalka iyo galaha Guurtidaba.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka illaahay uga baryayaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, sidoo kalena Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland-na Samir iyo iimaan uu ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *