Muqdisho(ANN)Wasiirka warfaafinta Somalia Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay in qarax saaka barqadii ka dhacay xarunta Somalia ee dhismaha Madaxtooyada Villa Somalia ay ku dhinteen laba qof oo mid yahay qofkii is

 

qarxiyay iyo askari ka tirsan ilaalada goobta joogtay.

 

sidoo kale waxa uu sheegay inay ku dhaawacmeen 5 ka mid ah askarta Ilaalada iyo qof shicib ah, balse warar kale ayaa sheegay in tirada dhimashada iyo dhaawacu intaa ka badanyahay  oo ay ugu yaraan 6 qof oo uu ku jiro qofkii naftiisa miidaamiyey ay ku dhinteen, isla markaana ay ku dhaawacmee ilaa 7 qof  oo u badan askarta ilaalada raysal wasaaraha.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel ku dhaw aqalka u degan yahay Raysal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) subaxnimadii hore ee maanta (Salaasa), balse ma jirto wax khasaare ah oo soo gaadhay Raysal wasaare Saacid.

Wasiirka Warfaafinta Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, waxa kale oo uu sheegay in qofka is qarxiyay uu hore uga tirsanaa Al-shabaab, balse uu ka mid ahaa ciidanka sirdoonka qaranka.

Goob-joogaal ku sugan halka qaraxu ka dhashay ayaa sheegaya in qofka is qarxiyay uu ka soo gudbey alabaabka hore ee weyn ee laga galo Madaxtooyada villa Somalia, waxaana lagu celiyey goob u dhexaysa Nabad sugida, Guriga raysalwasaaraha iyo Xafiiska Raysalwasaaraha, Qofka is qarxiyey ayaa isku dhexqarxiyey goob ay ku sugnaayeen ciidamada ilaalada u ah Raysal wasaaraha, kuwaas oo qofkaa ku joojiyay meel afaafka hore ee xafiiska raysal wasaaraha oo ay Teendho uga dhisnayd, isla markaana su’aalo weydiiyay, balse markaa ka dib uu qaraxu dhacay.

Dhinaca kale War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab  ayaa lagu sheegay in weerarka ay fuliyeen, kaas oo sida ay sheegeen lala beegsaday  xarun u dhexeysa guriga Ra’iisul wasaaraha iyo Safaarada Ethiopia,  halkaas oo  sida ay ku xuseen qoraalkooda ay ku sugnaayeen Saraakiil sar sare oo ka tirsan kuwa ammaanka ee dawlada federaalka Somalia.

Al-shabaab waxay sheegtay in weerarka qaraxaa lagu dilay sida ay sheegeen 7 katirsan Saraakiisha Nabad sugidda oo ay ku jiraan 3 ay si gaar ah u daba socdeen, isla markaana uu dhaawac kasoo gaadhay ku dhowaad tobaneeyo kale sida ay sheegeen Al-shabaab.

Dhismaha Xarunta ay ku taalo Madaxtooyada Somalia waxa degan Madaxda u saraysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo si weyn loo ilaaliyo,  wuxuuna  qaraxani noqonayaa iskudaygii labaad ee noociisa oo kale ah ee Al-shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada Midawga afrika oo taageera dawlada Somalia  la isku dayo in lagu khaarijiyo Madaxda u sareysa ee Soomaaliya tan iyo markii la doortey Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *