Hargeysa(ANN)Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Col. Maxamed Yuusuf Cali (ina Canbaro) ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay dad maalmihii lasoo dhaafay ay xidheen Laanta Socdaalka ee uu madaxda u yahay, kuwaas oo lala xidhiidhiyay inay qayb ka ahaayeen

falal argagixiso oo la doonayay in lagu khalkhaliyo amaanka Somaliland.

Col Canbaro oo saaka warbaahinta siiyay hadal kooban, isagoo ku sugan xafiiskiisa, ayaa sheegay in aanay wax isbedel ahi ku iman amaanka dalka. kadib markii dawlada Britain soo saartay todobaadkan dhawaaq ay muwaadiniinteeda kaga dalbanay inay sida ugu dhaqsaha badan kaga baxaan Somaliland, iyagoo ku dooday inay jirto cabsi soo waajahday dadka reer galbeedka ee ku sugan Somaliland oo ka imanay dad denbiilayaal ah iyo kuwo argagixiso oo ay bar tilmaameed u noqdaan.

Hase yeeshe Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Col.  Canbaro waxa uu fariin u diray bulshada caalamka iyo dadweynaha reer Somaliland,  taas oo uu ku sheegayo in ammaanka dalku uu sugan yahay, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxaan warbaahinta iyo dadweynahaba u sheegayaa in xaalada guud ee ammaanka dalku uu yahay mid sugan. Aniga oo ah Madaxa socdaalka Somaliland waxaan halkan idiinka cadeynayaa inaanu jirin wax isbedel ah oo ku yimi socotadii dalka imanaysay iyo kuwii ka baxayayba, waxaan hadda hayaa shaqo culus oo ay ka mid yihiin fiisayaal la iga dalbanayo oo ay ka mid yihiin dad ka imanaya Ingiriis, Maraykan iyo Yurub oo dhan. Sidaa darteed caalamka iyo dadkaba waxaan u sheegayaa inaan wax dhibaato, ama amni-darro ahi aanu ku jirin.” ayuu yidhi Col. Canbaro.

Taliyaha Laanta socdaalka Somaliland, waxa kale oo uu sharaxaad kooban ka bixiyay dadka ay qabteen ee xafiiskiisa ka mid ah,  kuwaas oo uu qiray xadhigooda, balse aanu tafaasiil dheeraad ah ka bixin tiradooda iyo ujeedada qorshohooda, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya  yidhi, “Waxa  jira waxyaabo saxaafadda lagu qoray oo sheegaya in dad ay ciidamada socdaalku xidheen, taasi waa mid iska caadi ah oo shaqadayada ayaa ah inaanu ka shaqayno ammaanka, sidaa darteed marka hore feejignaanta annaga ayaa leh. Inamo yar yar oo gaadh ah oo aanu ku qabanay qalab ayaanu xidhnay baadhitaankeediina way noo socotaa.” ayuu yidhi Col. Canbaro.

Sarkaalka laanta socdaalku wuxuu ka cudur daartay inuu tafaasiil intaa ka badan ka bixiyo Inamada uu sheegay inay xidheen, isagoo gebi ahaanba diiday inay suxufiyiintu arrimahaa wax ka weydiiyaan, laakiin dhinaca kale waxa jira tibaaxo iyo xoggo shebekadda arawelonews heshay oo sheegaya in la xidhay lab Nin oo ka shaqaynayay xafiiska laanta socdaalka, kuwaas oo mid ka mid ahi yahay dareewalkii Taliyaha, halka ka kalena uu ahaa gaadhka xarunta socdaalka, waxayna tibaaxaha iyo xoggaha araweelonews heshay ay sheegayaan in labadaa nin midkood la xidhay Sabtidii maalin ka hor markii ay dawlada Britain soo saartay dhawaaqa ku waajahan Somaliland, balse baadhitaan lagu sameeyay Ninkaa ka dib shalay la xidhay ninka labaad, kaas oo ka mid ahaa hawlwadeenada laanta socdaalka.

Sidoo kale waxa jira tibaaxo aan xaqiiqdooda si cad loo ogayn oo sheegaya inay labadaa nin qayb ka haayeen qorshe la doonayay in hawlgal qaraxyo ah laga sameeyo dhismayaasha u dhow xarunta laanta socdaalka ee baarlamaanka iyo Madaxtooyada, iyadoo ay tibaaxaha qaar sheegayaan in ay suurta gal tahay in hawlgalkaa la doonayay in laga fuliyo dhismaha Baarlamaanka oo loo qorsheeyay in madaxweynaha Somaliland ka jeediyo qudbad sanadeedkii labada gole Baarlamaan maalinta Arbacada ee birito.

Dhinaca kale dhawaaqa Taliyaha  Laanta socdaalka Somaliland ku qiray inay qabteen dad xafiiskooda ka tirsan, ayaa kusoo beegmay  Iyadoo maanta qarax  lala beegsaday dhsimaha dawlada somalia ee Villa Somalia, kaas oo barxada hore ee xafiiska raysal wasaaraha ka dhacay. kadib markii qof isa soo miineeyay ay ilaalada raysal wasaaruhu toogteen, kaas oo doonayay inuu hore u galo gudaha dhismaha xafiisyada dawlada ee Villa somalia.
si kastaba ha ahaatee lama garanayo in dadka la qabtay ee Taliyaha laanta socdaalka somaliland sheegay iyo kuwa fuliyay qaraxa ka dhacay Villa somalia ay isku xidhaanyeen iyo in kale, balse waxa la sugayaa baadhista uu sheegay Col Canbaro.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *