Addis Ababa(ANN)Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay Shir Madaxeedka Ururka Midowga Afrika, isagoo sheegay in dalkiisa laga qaado cunaqabataynta hubka, maadaama ayuu yidhi  ay Soomaaliya xiligan  Mareyso heerkii ay wax kula qaybsan lahayd

 

Caalamka intiisa kale si amniga dowladda wax uga qabato. sidaa awgeed ay u bahanyihiin in xayiraadda hubka laga qaado  dalkiisa.

Madaxweynaha Somalia waxa uu sidaa ku sheegay qudbad uu maanta ka jeedinayay Shir Madaxeedka Ururka Midowga Afrika uga furmay Addis ababa shalay, kaas oo uu kaga dalbaday qaramada Midoobay in Xayiraadda Hubka laga qaado dowladda Sooomaaliya, isagoo dhinaca kalena dalbaday in la sameeyo Guddi gaar ah oo u kuur gala Xaaladda Nololeed ee Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dalka Kenya.

Dhinaca kale qodobada shirka horyaal ee ugu waaweyn ayaa ah arrinta Somalia, mushkilada dalka Maali iyo mushkilada labada dal ee Suudaan, balse dooda ajandaha ee arrimaha Somalia ayaa qodobka ugu horeeya ee shirka horyaalaa uu yahay in ay xuduudihii Somalia ee dalkii laysku odhan jiray Jamhuuriyadii Somalia aan waxba laga bedelin oo ay sidoodii ahaadaan.
sidoo kale qalalaasaha ka taagan dalka Maali ayaa ka mid ah qodobada ugu waaweyn, iyadoo ay ciidamada Faransiisku hogaaminayo loo taageeri lahaa iyo sidii ciidamo ay u geyn lahaayeen wadamada afrikaanku dalka Maali,  iyadoo wadamada Ururka Midawga Afrika qaarkood horeba ugu yabooheen inay ciidamo u dirayaan dalka Maali si ay uga qayb qaataan dagaalka faransiisku hogaaminayo ee la doonayo in kooxaha falaagada ah lagaga xoreeyo woqooyiga dalkaa ee ay haystaan malayshiyadu.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *