Djibouti  (ANN)”Anaga siyaasadayadu way cadayd rabshado maanu wadin 800 qof ayaanu calaamada u xidhnay si aan nasoo dhexgelin. Dadka ayaa na weydiistay inay halkaa u hoydaan anaguna waanu ogolaanay, waxaana u sheegnay in haddii ay jiraan dad jilicsani ay iska baxaan” ayuu yidhi Aadan

 

Rooble Cawaale oo caawa caweyskii u waramayay idaacada BBC-da kadib markii loosoo celiyay xoriyadoodi, isaga iyo hogaamiyayaal kale oo mucaaridka Djibouti ah.

Xildhibaan Aadan Rooble, wuxuu isagoo ka hadlaya sidii wax u dhaceen, wuxuu yidhi, “Anagu waanu iska tagnay dad ilaa dadkii markii halkii laga eryay ee qiiq lagu tuuray dad baddan ayaa ku dhawaacmay ruux dumur ahina halkii ayay ku qudhbaxday. Markaa dadkii xaafadaha deganaa iyo asakartii ayaa isku dhacay.  Markaa shacbigii caadiga ahaa ee xaafadaha deganaa ayaa gedooday, markaa dawladda Ismaaciil Cumar geele ayaa ka masuul ah, waxayna sidaa u yeeleen  iyagoo leh yay dadkii carabta oo kale nagu noqonin.”

Sidoo kale mar la weydiiyay sida loo xidhay isaga raggii kale ee mucaaridka wuxuu yidhi, “saaka ayaa hogaamiyayaashii xisbiyada  Nin ka mid ah oo la xidhay habeenimadii isku daynay inaan booqano, isagoo lagu xidhay dekedda, waxaana ka codsanay in nala tuso , markii nala fadhiisiyay way raageen, kadibna aniga saldhiga ayaa lay geeyay . sidaan halkii u joogay galabnimadii ayaa xaafadaydii lay keenay wax lay weydiiyayna ma jirto. Wixii xalay bilaabmayna ilaa hada way socdaan, beri  subaxnimada ayaan is arkaynaa mucaaridkayagii. Xadhigayagii wuxuu ahaa mid edebdaro ah oo ciyaala suuqnimo ah, waxaana is weydiinaynaa wixii dhintay iyo wixii la yeeli lahaa. Waana inaan dadka kicinaa ilaa inta laga helayo Dumuqraadiyad.”  Ayuu yidhi Aadan.
Araweelonews Moblie
Djibouti Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *