Hargeysa(ANN) Ciidanka amaanka Somaliland ayaa caawa caweyskii hawlagl balaadhan oo ay ka fuliyeen Huteelka City Center ee badhatamaha magaalada Hargeysa ka qabtay koox looga shakiyay inay qorshaynayeen hawlgalo ka dhan ah nabadgelyada Somaliland. Sidaana waxa shebekada

 

wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan ciidanka Bilayska.
Kooxda la qabtay ayaa tiradooda lagu sheegay 6 Nin, kuwaas oo deganaa huteelkaa. Ka hor intii aanay ciidanka amaanku hawlgal ay caweyskii caawa qaadeen ku qabqaban kooxdaa.
Dad goob joog ah ayaa u sheegay Araweelonews inay arkayeen ciidanka oo qiyaastii sagaalkii fiidnimo, iyagoo wata  saddex gaadhi dad baddan ka qaaday Huteelkaa, iyadoo qaarkood la lugaysiiyay, balse waxay dadka goobta joogay sheegeen in dad baddan oo ciidanku halkaa ka qabteen soo daayeen inyar ka dib. Kadib markii su’aalo la weydiiyay.   Laakiin tirada kooxda sida rasmiga ah u xidheen Bilaysku ayaa lagu sheegay inay yihiin 6 Nin oo ka mid ahaa dadkii huteelkaa laga qabtay. 
Wixii kasoo kordha kala soco Araweelonews
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *