Djibouti (ANN)Xukuumadda Djibouti ee Ismaaciil Cumar Geele ayaa xabsiga u taxaabatay labada Hogaamiye Mucaarid ee dalkaa iyo ku dhowaad kontoyeeno qof. Kadib markii ay mudaharaadyo isugu sopo baxeen kumaan u dhashay Djibouti maalintii shalay, kuwaas oo ay hogaaminiyeen

xisbiyadda mucaaridka taagta daran  ee ka jira halkaa.

Wasiirka arrimaha Guddaha Yaasiin Cilmi Buux Djibouti ayaa xaqiijiyay in xabsiga loo taxaabay maanta labada hogaamiye mucaarid ee  Aadan Rooble Cawaale  oo weliba isagu xubin ka ah Baarlamaanka Djibouti iyo Ismaaciil Geedi Xareed. Kadib markii sida uu wasiirka arrimaha gudduhu sheegay ay isku dayeen inay xoog kusoo furtaan xubin ka tirsan saraakiisha mucaaridka oo lagu xidhay Marsada dekedda Djibouti.

Sidoo kale Wasiirku wuxuu sheegay inay xukuumaddu fasaxday mudaharaadyada shalay saacado kooban, balse ay bannaanbaxayaashu markii ay dhaaftay waqtigii loo qabtay inay dhamaystaan ee lixda galabnimo diideen inay guryohoodii u kala dareeraan, isla markaana ay isku dhaceen ciidamda amaanka ee Booliska, kuwaas oo kala kexeeyay,  laakiin dadka ayaa waxyeelo gaadhsiiyay meelo ka mid ah xarumaha xisbiga madaxweyne Geele iyo goobo kale oo ganacsi oo ay dab qabadsiiyeen. Sidoo kale waxay gubeen 4 gaadhi oo mid ka mid ah uu badeecad u siday dalka Ethiopia.

Wasiirka Arrimaha Guddaha ee Djibouti waxa uu sheegay inay xabsiga dhigeen tiro dad ah oo gaadhay ilaa 40 qof, wuxuuna dadka ay xukuumaddu xidhay ugu yeedhay shar wadayaal, isagoo dhinaca kalena sheegay inay gacan bir ah ku qabanayaan kuwa uu ku tilmaamay shar wadayaasha.

Mucaaridka ayaa dhinacooda sheegay inay sii wadayaan banaanbaxyada ilaa ay xukunka kaga tuurayaan madaxweyne Geele oo ay ku tilmaameen digtaytar ka fog dumuqraadiyada, isla markaana waxay si weyn u canbaareeyeen xadhiga hogaamiyayaasha mucaaridka, iyagoo sheegay in xadhiga Aadan Rooble Cawaale oo ka mid ah labada hogaamiye mucaarid ee la xidhay uu xubin ka yahay Baarlamaanka Djibouti sidaa awgeed ay gef ku tahay sharciga iyo dastuurka dalka. laakiin Wasiirka Arrimaha Guddaha ee Djibouti Yaasiin Cilmi Buux ayaa sheegay inay maxkamad sharci ah sida ugu dhaqsaha baddan u horgeyn doonaan labadaa nin, isla markaana ay raggaasi yihiin kuwo ku tuntay sharciga.

Mudaharaadyada ayaa hada u muuqda kuwo sii shiiqaya oo ay xukuumaddu ugu awood sheegatay isu soo baxyadaa, balse mudaharaadayaasha ayaa maanta meel kala duwan oo aan ahayn badhtamaha magaalada ka sameeyay isu soo baxyo, iyagoo xaafada xunbuli oo ka mid ah Djibouti ku gubay wadooyinka taayiro, isla markaana doonaya inay sii wataan mauadaharaadyada ay ku doonayaan inuu xukunka ka dego  Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele. 
Araweelonews Mobile
Djibouti Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *