https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/749/4?uidval=1268568853Somalia(ANN)Shirkadda Dahabshiil ayaa toddobaadyadan u dambeeyey ee Bisha Ramadaan ee barakaysan dhexdeeda waddey hawlo samata-bixin ah oo lagu gaarsiinayey deeqo quudin oo kala geddisan qoysas ku tabaaloobey abaaraha daba-dheeraaday ee gobollo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya

 

ku habsaday, kuna kala sugnaa deegaannada Jubbada Hoose, Gedo, Bay, Bakool iyo Banaadir, iyada oo gacnta lagu hayo qoondooyinkii Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.

https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/749/3?uidval=1268568853
Madaxda shirkadda ee gobollada deeqaha laga qaybiyey, oo kaashanaya maamullada ka jira goobahaasi iyo guddiyada kala geddisan ee taakulada dadka abaaruhu barakiciyeen, ayaa dadweynaha jilicsan ee isugu soo ururay kaamamka ku-meel-gaadhka ah gaarsiiyey deeq-horaad isugu jirta bur, sonkor, saliid, bariis, timir iyo caano oo goobaha kala geddisan qaybo kala geddisan u kala gaarey.
Banaadir & Labada Shabeelle
Shirkaddu waxay ka bilawday degmooyin ka mid ah Gobolka Banaadir oo ay ka mid yihiin Xamarjajab iyo Waaberi iyada oo halkii qoysba ay heleen 25kg oo bariis ah, saddex kilo oo saliid ah iyo saddex kilo oo timir ah. Deeqdaasi waxa ay gaartey ilaa 600 oo qoys.
Waxa iyadana ku jirta mucaawinooyinka loogu talo galay dadka soo barakacay deeqo isugu jira maro-kaneecooyin iyo quudin lagu kala qaybinayo labada Shabeelle, siiba deegaannada ay qoondeeyaan guddiyada kala duwan ee taakulaynta abaaraha ee gobolladaasi.
Cabdullaahi Nuurre Aw Diini, Maamulaha Dahabshiil Banaadir, ayaa hoosta ka xarriiqay inaan shirkaddu marnaba dadkeeda kala hadhi doonin gacan-siintooda ayna kaga dhabayso mar walba baaqeeda, sidaana ay tahay in wixii khayr ah ama khayri ah la iskaga daydo oo la iska wada kaashado. Waxa uu Cabdullaahi sheegay in mar kale shirkaddu ugu baaqayaso in ganacsatada Soomaalida ahi iyagu horseedaan samata-bixinta maatadooda jilicsan, isaga oo ballan qaaday in shirkaddu aanay marnaba ka baaqsan doonin kaalinta hormuudnimo ee ay kaga jirto hawlaha samafalka.
Bay iyo Bakool

https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/749/2?uidval=1268568853
Gobollada Bay iyo Bakool waxa deeqda taakulada ahi gaartey  August 8 iyo 9 dad ka badan 1700 oo qoys oo midkiiba qayb u helay heleen 25 kilo oo Bur ah, 25kg Bariis ah,  shan kiilo sonkor ah iyo saddexle saliid ah.  Dadka nasiibka u helay deeqdan waxa ay ku kala sugnaayeen Baydhabo gudaheeda oo ilaa 100 qoys ah iyo 1600 oo qoys oo kala yimi deegannada Dhexyaal, Goofguduud, Sariirto, Afwayne, Abuuroow, Weedier, Waryarooy, War Cumar, Baaba, Suuldheere, Bakale, Habriirow, Bohosha, Gaduudeey, Iyo Zone- Hareeri jiifa,  kuna urursanaa kaam afartaneeyo kilomitir galbeedka ka xiga magaalada Baydhabo.

https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/749/5?uidval=1268568853
Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga abaaraha ee Gobolladaasi Sheikh Cabdulqaadir Abayna ayaa si mug leh uga mahadceliyey gargaarka degdegg ah ee shirkaddu u fidisay dadka barakacayaasha ah, isaga oo ku boorriyey dhammaan ganacsatada iyo bulshaweynta Soomaalida inay taageero tan oo kale ah la soo gaadhaan walaalahooda tabaalaysan.

https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/749/8?uidval=1268568853

https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/749/6?uidval=1268568853

Gedo & Jubbada Hoose
Baardheere iyo nawaaxigeeda, siiba deegaannada Kormarey, Balaw iyo Hilo Carmo, waxa deeqda shirkadu gaartey 3 August; waxana qoysas tiradoodu dhan tahay ilaa 540  qoys halkii qoysba uu helay 25 kilo oo bur ah iyo saddexle saliid ah.
Sidoo kale, isla maalintaa, waxa deeqo kala geddisan la gaadhsiiyey qoysas ay aad u saamaysay oo barakicisay abaartu oo ku kala noolaa Kismaayo iyo Jilib oo halkii qoysba la gaarsiiyey 12.5 kg bur ah, 12.5 kg sonkor ah, 25 kg bariis ah, 3.5 kg saliid ah, 5 kg timir ah iyo xidhmooyin caano koosta ah si loogu qabto dadka waayeelka ah iyo carruurta aad u yaryar.

Gebogebo
Dhammaanba goobaha mucaawimooyinka laga qaybinayey waxa indhaha iyo dareenka islaannimo ee saraakiishii hawshaa waddey soo jiidanayey diifta iyo diihaalka raagey ee dadka guud ahaanba ka muuqatey ee gonda-dhigtay.
Qaybinta mucaawinooyinkan shirkaddu qaybisay waxa ay ka dambeeysey baaqii uu Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil ku dhawaaqay 21 July, Hargeysa, oo uu ku boorriyey ganacsatada, dadweynaha, shaqaalaha iyo wakiillada kala duwan ee shirkadda, hay’adaha waddaniga ah ee samofalka iyo guud ahaanba dadka Islaamka ah inay taakulo la soo gaaraan dadka abaaruhu ka fara saareen hantidoodii eek u caydhoobey, taas oo ka dhigaysa shirkadda tii ugu gacanta wanaagsanayd shirkadaha Soomaalidu leedahay iyada oo ilaa hadda u hurtay dadweynaha tabaalaysan hanti u dhiganta 116 kun oo Dollarka Maraykanka ah ayna kala bixiyeen shirkadda iyo qaybo ka mid ah shaqaalaheedu.
Waxa isaguna olole ballaadhan ka galay dalka United Kingdom Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil, mudane Cabdirashid Maxamed Siciid, oo abaabulay kulammo iyo war-saxaafadeedyo adduunka iyo Soomaalidaba lagu xasuusinayo daranyada baahday ee tobanaan kun oo Soomaali ah ku badeen abaaruhu gobollada Koonurta Soomaaliya qaar ka mid ah. Mareego boqollaal galay, idaacado, talafishanno iyo wargeysyo Somali iyo caalamiba isugu jira ayaa si mug leh u baahiyey, oo isaga daba noqday, baaqyada Guddoomiyaha iyo Maamulaha Guud ee Shirkaddu cod dheer ugu dhawaaqayeen adduunweynaha iyo bulshada Soomaalida ah inaan laga hagran dadka tabaaloobey – meel kastaba ha jogeene – wax kasta oo loo huri karo oo khayri ah.

 

Hassan Heiss
Tel. +252 2 442 9528/252 7 9100001
Alternative eMails: hassanheiss@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *