Hargeysa(ANN) Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa maanta shan sanadood oo xadhig ah ku xukuntay Agaasimihii maamulka iyo lacagta ee wasaarada waxbarashada Ibraahim Aamin Gadiid iyo Agaasimaha Xarunta Agoomaha Hargeysa C/risaaq Cabdilaahi Maxamed (Kildhi), ka dib markii lagu helay

inay lunsadeen hanti qaran.
Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa C/raxmaan Jaamac Hayaan, ayaa ku dhaawaaqay xukunka labadan sarkaal oo  ka mid ahaa maamulkii Madaxweyne  Rayaale. Ka dib markii maxkamadu muddo ay ku gudo jirtay dhegaysiga dacwadooda iyo eedaha loo haysto,  isla markaana maxkamadu ay dhegaystay markhaatiyadii maxkamadda la horkeenay.
Maxkamaddu waxay ku xukuntay eedaysane  Ibraahim Aamin Gadiid shan sanadood oo xadhig ah iyo inuu soo celiyo lacag cadaan ah oo uu ka soo qaaday Hay’’addaha caalamiga ah ee wasaarada waxbarashadda la shaqeeya, lacagtaasi oo dhamayd $ 107 kun oo dollar oo lagu helay inuu isagu si gaar ah ugu tagri falay mudadii uu maamulayay agaasinka lacagta ee Wasaaradda waxbarshada Somaliland.
Waxa kale oo Ibraahim Aamin lagu helay inuu lunsaday lacag dhan 110 Milyan oo shilin oo wasaaradda waxbarashaddu lahayd.
Agaasimihii hore ee Xarunta Agoomaha Hargeysa C/risaaq Cabdilaahi Maxamed (Kildhi) waxa lagu xukumay shan sanadood oo xadhig ah waxaana lagu helay inuu lunsaday raashin ay lahaayeen xarunta Agoomaha Hargeysa, waxaana maxkamadu go’aamisay in labadaasi nin ay xarunta agoomaha u soo celiyaan lacag dhan 70 Milyan oo shilinka Somaliland ah oo ay si wada jir ah u musuqmaasuqeen.
Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa ammaankeeda saaka aad loo adkeeyay waxaana la soo dhoobay ciidan aad u tiro badan oo Boolis ah, iyadoo la xidhay gebi ahaanba jidadka hormara Maxkamadda mudadii ay socotay maxkamaddu.
Qaar ka mid ah qoyska Ibraahim Aamin Gadiid oo haween u badnaa ayaa  markii xukunkaasi dhacay  maxkamadda horteeda ka ooyay, kuwaas oo xukunka ku dhacay maxbuuskaa  ku tilmaamay mid sharci darro ah oo cadaalada ka fog.
Maama markii u horaysay ee maxkamaddi xukun sidan oo kale ah ku rido masuuliyiin ka tirsanaa maamulkii Madaxweyne Rayaale oo lagu eedeeyo musuq-maasuq iyo inay lunsadeen hanta ummadeed, balse dhowaan ayaa Madaxweyne  Siilaanyo cafis u fidiyay masuuliyiin xukun ku dhacay oo xabsiga la dhigay kadib markii lagu helay musuq-maasuq ay ku kaceen mudadii ay xilka hayeen. Iyadoo qaar kale oo ka mid ah masuuliyiin hantidhawrku xidhay weli ku jiraan xabsiyada, kuwaas oo aan qaarkood weli maxkamad lasoo taagin.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *