Muqdisho(ANN)Dowlada dalka Talyaaniga ayaa ka hadashay wada hadalka la filayo inuu dhexmaro  dowladaha Somaliland iyo Somalia, kaas oo labada dhinac mid walba  u saaray gudi wasiiro ah, isla markaana loo qorsheeyay inay dhowaan ku kulmaan dalka Britain

 

 

Safiirka Dawlada Talyaaniga u qaabilsan Somaliland  iyo  Somalia André Marcela, ayaa kulan uu magaalada Muqdisho kula yeeshay raysal wasaaraha Somalia C/weli Maxamed Cali. Kadib saxaafada u sheegay inay soo dhowaynayaan wadahadalada la filayo inay dhexmaraan Somaliland iyo Somalia.
Ambassador   André Marcela  ayaa sheegay inay tahay arrin fiican oo loo baahnaa wadahadlka labada dhinac, taas oo uu sheegay inay kaga wadahadlayaan mustaqbalkooda labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia oo ay ahayd in mar hore la sameeyo, isla markaana ay soo dhowaynayaan.
André Marcela  wuxuu xusay  in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) uu yahay nin nabadeed, isla markaana  doonayo inay nabad noqato koonfurta iyo guud ahaan dalka Somalia.
Safiirka Talyaaniga ufadhiya  uu ka hadlay Odayaasha Dhaqanka ee la doonayo in ay soo xulaan Barlamanka cusub ee Somalia ah, iyaga qudhooda lagu soo xulayo si cadalad  si aanu  u dhicin muran iyo khilaaf aan loo baahnayn, wuxuuna sheegay inay  kala hadleen xukuumadda  Somalia sida ugu haboon ee loo soo xuli karo odayaasha dhaqanka ee soo xulayo barlamanka cusub iyo in si cadaalad ah arinkaasi loogu kuur galo.
Dhinaca kalena wuxuu sheegay in loo baahanyahay in baadhitaanka qaraxii Tiyaatarka ee Muqdisho meel la saaro, wuxuuna xusay inuu raysal waasaaraha kala hadlay arrintaa oo uu sheegay inay suurta gal tahay in baadhitaanku uu galo masuuliyiin iyo saraakiil sare, balse ay lagama maarmaan tahay in si qoto dheer loo baadho.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *