wast gate malllast puctire1Nairobi(Arraweelo News) Xaalada dhismaha ganacsiga ee Westgate Mall oo ku yaal badhatamaha magaalada Narirobi ee xarunta dalka Kenya ayaa wel

 

i cakiran, waxaana jira warar is khilafsan oo kasoo baxaya dhinaca dawlada Kenya iyo Kooxda Al-shabaab ee sheegatay  weerarkaa, kuwaas oo ku doodaya inay gacanta ku hayaan maalintii Afraad dhismahaa.

Hase yeeshee Ciidamadda Kenya, ayaa sheegaya in ay hawlgalkaa soo geba gebeeyeen, isla markaana ay dileen dhawr ka mid ah kooxda  qabsatay dhsimaha Afar maalmood ka hor, waxayna saraakiisha ciidamada Kenya sheegayaan in ilaa 4 askari ay kaga dhinteen hawlgalkaa, isla markaana tobaneeyo kale kaga dhaawacmeen, taas oo aan ku jirin tirada dhawr iyo lixdan qof oo ku dhintay tan iyo markii ay dablaydu dhismaha qabsatay, iyadoo 175 qof ku dhaawacmeen.

Milateriga Kenya oo adeegsanaya diyaaradaha Helekobtarada, isla markaana ay taageerayaan ciidamo ka socda dalka Israil iyo saraakiil isugu jira khuburo iyo sirdoon ka socda Dalalka Britain, Fransiiska Iyo Maraykanka  ayaa wada hawlgalka la doonayo in dhismahaa lagaga saaro kooxda qabsatay, balse waxa muuqata in weli xaaladu cakirantahay, iyadoo kooxda Al-shabaab beenisay in lasoo gebagebeyeey hawlgalkaa sida ay ciidamada Kenya sheegteen, waxayna Al-shabaab ku dooday inay dhismahaa gacanta ku hayaan kooxda qabsatay, kuwaas oo ay sheegeen in ay ka dagaalamayaan dhismaha gudihiisa.

Dhinaca kale Laanqayrta cas ayaa sheegtay wax yar ka dib makii ay galabta ciidamada sheegteen in lasoo gebagebeeyay hawlgalkaa in weli la layahay dad gaadhaya 50 qof, kuwaas oo la rumaysan yahay in kooxda dhsimaha qabsatay ku haystaan dabaqa sare ee dhismaha Westgate Mall.

Haweenayda Wasiirka Arrimaha debeda Kenya Aamina Maxamuud Jibriil ayaa waraysi ay siisay BBC-da ku sheegtay in laba ama sadex ka mid ah kooxda dablayda  ah ay kasoo jeedaan asal ahaan dalalka carabta ama ay yihiin Soomaali haysta dhalashada Maraykanka, isla markaana ay ka yimaadeen  Minnesota  oo Soomaalidu ku badantahay, ama Missouri, balse  haweenay  lagu  magcaabo  Jen Psaki, oo u hadashay  dawlada Maraykanka ayaa  sheegtay in aan si cad loo ogayn kooxdaa, sidaa awgeed aanay beenin Karin warkaa ilaa inta la ogaanayo natiijada baadhitaanka rasmiga ah.

Warar kale oo laga soo xigtay saraakiil dawlada Kenya ah ayaa sheegaya in tirada kooxdaa oo aan si dhab ah loo ogayn lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 10 -15, kuwaas oo markii ay goobta yimaadeen watay laba gaadhi.ka hor intii aanay la wareegin dhsimahaa iyo dadkii ka adeeganayay goobaha ganacsi ee kala duwan.

Dhismaha Westgate Mall oo ah goob ganacsi oo caan ah, waa 350,000 sq feet, waxaana ku yaala  80 goobood oo ganacsi kal duwan, kuwaas oon ka kooban dukaamo waaweyn, Baarar, goobo ganacsi, goobo caways, Baanan iyo goobo lagu jimicsado, waxaana dhismahaasi caan ku yahay inay ka adeegsadaan dadka ajaanibka ah iyo kuwa dabaqada sare ee bulshada dalka Kenya, iyadoo dhismaha asalkiisa iyo goobaha ugu badan ee ganacsiga ay leeyihiin ganacsato u dhashay dalka Israil.

Kooxda Al-shabaab waxay hore u sheegtay marar badan inay weerarayso Kenya, iyagoo sabab uga dhigay ciidmada Kenya ee Somalia galay, waxayna dhacdada weerarkani si weyn wax uga bedeshay muuqaalka sawirka laga haystay  awooda kooda Al-shabaab oo sanadii u danbeeyay lagu tilmaamayay kuwo awood ahaan wiiqmay, iyadoo dhinaca kalena weerarka kooxda Al-shabaab ee gudaha Kenya  oo galay maalintii afraad in xal loo helo uu si weyn raad ugu yeelanayo dhaqaalaha, nabadgelyada iyo sumcada dalka Kenya oo Maraykanka iyo xulufadiisa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo Al Qaida kaga jira safka hore.

Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in weerarka Kooxda dhismahaa qabsaday oo  ay sheegatay kooxda Al-shabaab si weyn wax uga bedeleen muuqaalka  iyo qiimaynta laga bixiyo kooxda Al-shabaab  ee xidhiidhka la leh Al-qaida.  Iyadoo dhacdadani dhinaca kale jaah wareer ku abuurtay Kenya iyo wadamada reer galbeedka ee saaxiibka la ah, kuwaas oo usoo diray ciidamo iyo khuburo si kooxdaa meesha looga saaro, balse aan weli lagu guulaysan maalintii Afraad, taas oo dawlada Kenya marba marka ka danbaysa usii ka hor inta aan xal lo helin arrintaa usii hogaaminay dhinaca guuldarada.

Mana jiraan weli astaamo si cad u muuujinaya in ciidamada Kenya iyo kuwa Israil ku guulaysteen  in lasoo badbaadiyo dadka lagu haysto dhismahaa maalintii Afraad, kuwaas oo wararka qaar sheegayaan inay u badan yihiin dalka Israil, isla markaana aan tiradooda iyo tirada kooxda haysta midkodna wax war ah laga hayn.

arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *