wakiilada2Hargeysa(Araweelo News Network) Golaha wakiilada Somalialnd ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyay xeerka doodaha iyo muranku ka taagnaayeen ee wadooyinka, kaas oo doodiisa ay maalmihii u danbeeyay ku guad jireen.

 

Fadhigii 24  ee kalfadhiga 22aad ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland oo uu gudoominayay Gudoomiyaha Golaha wakiilada Mudane C/raxmaan Maxamed Cllaahi ,wuxuu  furitaan kadib Gudoomiyuhu sheegay in sidii ay isla ogaayeen maanta loo codayn doono Xeerka, iyadoo Xildhibaano ay soo jeediyeen laba ra’yi oo kala ahaa in Xeerka dib loo dhigo codayntiisa si wakhti ku filan loo siiyo  sidii loogu soo dari lahaa waxyaalihii ay mudanayaashu  soo bandhigeen mudadii ka doodeen.

Balse qaar badan oo ka mid ah mudanayaasha  ayaa ku dooday in Xeerku dhamaystiranyhay , isla markaana goluhu guda galo codayntiisa oo keliya.

Hase yeeshee Gudoomiyuhua ayaa sheegay in labadaa rayi goluhu u codeeyo,  taas oo keentay in mudanayaasha badankoodu waafaqeen in xeerka uu goluhu u  codeeyo. Markaa kadib waxaa bilaabantay Codayntii Xeerka Takaaliifta Horumarinta Wadooyinka, iyadoo u dhacday, kaas oo ogolaadeen  in Xeerkan la anxiyo 58 Mudane, waxaana diiday 8 Mudane, waxaana ka aamusay 3 mudane, Gudoomiyuhuna ma codayn.

Sidaana waxa  lagu meel mariyay  xeerka wadooyinka ee maalmihii u danbeeyay muranka adag iyo dooduhu ka taaganayeen.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *