madaxweyne siilaanyo1Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa si deg-deg ah qalinka ugu duugay Xeerka Wadooyinka, kaas oo golaha

 

wakiiladu si aqlabiyad ah shalay u ansixyeen. Sidaana waxalagu sheegay war-saxaafadeed uu xalay  soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, kaas oo u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2048/092013 ku dhaqan geliyey Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka.

Madaxweynuhu:-Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF- 22/620/2013 ee ku taariikhaysan 24/09/2013 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka Xeer Lr. 64/2013.

Wuxuu Soo Saaray: Dhaqan-galka Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka Xeer Lr. 64/2013 ee Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha.
info@araweelonews.com.

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *