south sudan1Washington(Araweelo News Network)Dawlada Maraykanka ayaa ugu baaqday dhinacyada ku dagaalamaya Koonfurta Suudaan in ay joojiyaan dagaalka, isla markaana u jeestaan dhinaca nabada

 

si loogu xaliyo khilaafka wadahadal.

Xoghayaha arrimaha debadda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa sheegay inuu u si deg deg ah ugu  dirayo magaalada Juba ee xarunta u ah Koonfurta Suudaan ergaygiisa gaarka ah Mr. Donald Booth, kaas oo ujeedadiisu tahay in la dhiiri galiyo wadahadalka loogu baaqay  labada dhinac ee iska soo horjeeda.

Mr Kerry, ayaa ugu baaqay hogaamiyayaasha Koonfurta Sudan inay xakameeyaan kooxaha hubaysan ee hoos yimaada, isla markaana loo jeesto dhinaca nabada iyo wadahadalka.
.
Qaramada Midoobay ayaa hore ugu baaqay dhinacyada in ay joojiyaan dagaalka, waxayna u wakiisheen Madaxweynaha Uganda Yuguri Mosafini inuu dhexdhexaadiyo.

Diblomaasi sare oo Faransiis ah oo lagu magcaabo  Gerard Araud, ayaa sheegay in madaxweyne Salva Kiir uu ogolaaday inuu wadahadal sharuud la’aan ah la galo dhinaca kale, balse lama oga in uu aqbalay ninka kasoo horjeeda ee hogaaminaya malayshiyada qabsatay gobolka mihiimka ah ee Woqooyiga dalkaa.

Madaxweyne ku xigeenkii hore Riek Machar  oo hogaaminaya mucaaradka hubaysan ayaa Khamiistii u sheegay Idaacad laga leeyahay  Faransiis  inuu doonayo in Madaxweyne Salva Kiir ika casilo xilka.

Sidoo kale Wasiirada arrimaha debeda ee dalalka ku xeeran koonfurta Sudan ayaa la filayaa inay dhex dhexaadiyaan labada dhinac, balse ma muuqdaan wax talaabo ah oo hore loo qaaday, waxayna xaaladu u muuqataa mid faraha kasii baxay.

Dagaalka labada dhinac ayaa socday toddobaad, waxaana wararku sheegayaan in ay ku dhinteen ugu yaraan shan boqol oo qof, iyadoo tira intaa ka badan ay ka qaxeen guryohooda.
Sidoo kale Dagaalka ayaa saamayn ku yeeshay boqolaal Soomaali ah oo ku nool dalka Koonfurta Suudaan ee Juba, waxaana soo baxay cabsi soo waajahday Bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan halkaa, kuwaas oo qaarkood la dhacay hantidoodii, iyadoo ay warar sheegaya in ay  jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaadhay qaar ka mid ah Soomaalida ku nool halkaa.

Boqolaal Soomaali ah oo doonayay in ay helaan nolol wanaagsan ayaa ganacsi iyo shaqooyin ka bilaabay dalka Koonfurta Soodaan dhawr sanadood ka hor, kuwaas oo ganacsiyo kala duwan iyo shaqooyin ka bilaabay halkaa, balse waxa ay Soomaali badan u haajirtay dalka Koonfrurta Suudaan wixii ka danbeeyay 2011 markii ay heshay Madaxbabaani ay mudo dheer ka sugaysay Suudaanta kale ee dhinaca Woqooyiga oo ay ka go’aday.

Dagaalka Koonfurta Suudaan ayaa ka danbeeyay kadib markii uu fashilmay sku dayga inqilaab la doonayay in xukunka lagag tuuro Madaxweynaha, kaas oo ka dhashay ka dib markii Madaxweyne Salvadir gebi ahaanba kala diray July 2013,  golihiisa wakiisarada iyo ku xigeenkiisii Riek Machar, kaas oo hormood u ahaa inqilaabka la doonayay in xukunka lagaga tuuro Salvadir ee isu bedelay dagaalka Sokeeye.

Madaxweyne Salvadir iyo saaxiibkiisa Riek Machar ee ay hada iska soo horjeedaan ayaa mudada dheer kusoo wada jiray halgan ay ku doonayeen sidii ay Gobnimadooda u heli lahaayee, waxayna labadooduba madaxd u ahaayeen Jabhadii  SPLM, taas oo suurta gelisay in  dalka koonfurta Soodaan uu madaxbanaanidiisa ka qaato dal weynihii Soodaan 2011.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *