Labada Gudoomiye Xigeen ee Wakiiladda1Hargeysa(Araweelo News Network)Shirgudoonka Golaha Wakiiladda ayaa si weyn isugu maandhaafay  ansixinta golaha wakiiladu saaka ku meel mariyeen gudi-hoosaadyada golahaa oo dhowaan uu isku shaandhayn

ku sameeyay gudoomiyaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro, balse khilaaf dhinaca sharciga ah oo u dhexeeya shirgudoonku ka taagnaa.
Gudoomiye xigeenka Koowaad Ee Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo Gudoomiye Xigeenka Labaad Dr. Cali Yuusuf oo saaka ka maqnaaday fadhiga lagu ansixiyay gudiyada golaha ayaa wax yar kadib markii goluhu ansixiyay isku shaandhaynta gudiyada la hadlay warbaahinta, waxayna wadajir u sheegeen in ay talaabadda gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciiro kaga ansixiyay fadhigii maanta ee golaha ay tahay mid aan waafaqsaynay sharciga iyo xeer- hoosaadka golaha.
Labada gudoomiye ku xigeen, waxay sheegeen in ay Maxkamadda sare u gudbiyeen arrinta muranku ka taagnaa, balse ay nasiibdaro tahay in Gudoomiye Cirro saaka golaha ka meelmariyay qorshahaa oo ay sheegeen in aanay waxba ka jirin, isla markaan uu yahay mid aan sharci ahayn.


Halkan Ka Daawo Labada ku Xigeen ee Shirgudoonka Wakiiladda oo sharcidaro ku tilmaamay ansixinta gudiyada ee golaha wakiiladda Somaliland Riix

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *