raysalwaasaaraha oo loo codeeyay1Muqdisho(Araweelo News Network) Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Raysal wasaaraha cusub ee Cabdiweli Sheekh Axmed kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh

 

magcaabay Todobaadkii hore.

Fadhiga Baarlamaanka oo ay ka qaybgaleen 244 mudane waxa ogolaaday Raysal wasaaraha cusub Cabdiwali Sheekh Axmed 239 mudane, waxa diiday laba mudane, halka ay laba kale ka aamuseen, gudoomiyuhuna muu codayn.

Waxaana si deg deg ah loo dhaariyay Ra’isul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed wax yar ka dib markii Baarlamaanku ansixiyay, iyadoo Baarlamaanka hortiisa lagu dhaariyay.

Raysal wasaaraha ayaa bedelaya Raysal waasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ay si isugu dhaceen Madaxweynaha Somalia, taas oo sababtay in Baarlamaanku codka kalsoonida u qaadaan.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *