Burco(Araweelo News Network) Xaaladda magaaladda Burco ayaa ka sii daraysa. Kadib markii Mudaharaadyo rabshado wataa ka dhaceen maanta halkaa.
Rabshadahaa ayaa ka dhashay Gaadiidka loo yaqaan Iskarogooyinka, kuwaas oo loo diiday inay Dooxa ka gurtaan Niista, balse wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in markaa ka dib ay Mamulka Dawlada Hoose xidh-xidheen qaar ka mid ah Gaadiidkaa.
Sida ay sheegeen Masuuliyiinta Gobolka waxa bilaabmay mudaharaad rabshado wata, kaas oo sababay in Ciidanka Booliska ee RRU goobta soo gaadheen. Kadibna rasaas ay doonayeen inay dadka ku kala kexeeyaan ay sababtay dhimashada Hal qof oo fadhiyay Goob shaaha laga cabo, iyadoo sidoo kale dhaawac soo gaadhay ilaa inta la ogyahay laba qof.
Hase yeeshee sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Burco waxa sii fiday mudaharaadyada rabshadaha wata, kuwaas oo ay awoodi waayeen inay gacanta ku qabtaan maamulku, taas oo magaalada u ekaysiisay meel fawdo ah, iyadoo gaadiid iyo meherado badan la bur-buriyay.
Masuuliyiinta Xukuumadda ayaa weli ka hadlin dhacdadaa oo si weyn xaalada magaalada wax uga bedeshay.
Wixii kasoo kordha kala soco shebekadda Araweelo News