Faad adan adeHargeysa( Araweelo News Newtwork )-Qaar ka mid ah Haldoorka Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta kasoo jeeda Deegaanka Sool iyo Buuhoodle ayaa ka hadlay socdaalka Wasiirka Dib u dejinta

 

Somaliland Saleebaan Ciise  Xagla-toosiye kaga soo laabtay maanta dalka Djibouti.

Socdaalka wasiirka  oo aan ujeedadiisa la shaacin ayaa  qaatay Todobaad, balse warbaahinta Somaliland ayaa la xidhiidhisay safarkiisa  khilaaf ka dhashay raashin caawimo ah oo ay Dawlada Turkigu ugu deeqday Somaliland, kaas oo ay isku maandhaafeen Madaxweyne Xigeenka Somaliland iyo haweenayda Agaasimaha ka ah Xafiiska Samafalka Madaxtooyadda, balse la hoos geeyay Wasaaradda dib u dejinta.

Lataliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha Gobolada Bariga Somaliland Fu’aad Aadan Cadde, isla markaana ka mid ah Odayaasha iyo siyaasiyiintaa deegaanada Sool iyo Buuhoodle oo ka mid ahaa xubnaha wasiirka kusoo dhoweeyay Maanta Madaarka Hargeysa, ayaa ka hadlay   Wasiir Xagla Toosiye iyo soo noqoshadiisa, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “waxan la soconay oo aanu ognahay  in Wasiir Xagla-toosiye baxsanayn,  haddii uu damacsanyahay inuu is casilona uu dadka hortooda isku casilayo,  waxaanu ka hor nimi oo soo dhowaynay  Wasiir aan dadka dhibayn”ayuu  yidhi  Fu’aad Aadan Cadde.

Gudoomiye Xigeenkii Ururka Xaqsoor Cali Sandule oo ka mid ahaa Masuuliyiinta soo dhoweeyay wasiirka  ayaa sidoo kale ka hadlay wararka sheegayay inuu cadho ku tegey oo qorshaynayo inuu is casilo Xagla-toosiye,  isagoo ku tilmaamay dadka isu soo dhowaynaya oo ay wararka noocaa ah ka faafiyeen dad uu sheegay inay ka xun yihiin in siyaasiyiin metelikara deegaanada ay kasoo jeedaan soo galaan siyaasada Somaliland.

Cali sandule
“Waxaan leenahay warkaa waxba kama jiraan ee waxa faafiyay oo buun-buunisay  cid ka naxaysa in siyaasi kasoo jeeda Sool iyo Buuhoodle kusoo biiro xukuumadda, ama Somaliland soo galo siyaasadeeda. Wasiir Xagla-toosiyena waa Nin ka shaqanya nabada iyo isu soo dhowaynta siyaasiyiinta deegaanka iyo Bulshada Somaliland.” Ayuu yidhi Cali Sandule.

Kalsh
Sidoo kale Cismaan Xuseen Gurxan (Kalash) oo ka mid ahaa Xubnaha soo dhoweeyay wasiirka ayaa ka hadlay arrintaa, wuxuuna sheegay inay jiraan rag aanu magcaabin oo ka xumaaday mar ay dhowaan Wasiirka Dib u dejinta Xagla-toosiye oo kasoo laabtay safar uu ku tegey dalalka Yurub ku qaabileen sidan oo kale soo dhoweeyn Madaarka Berbera, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Ragbaa maalintii hore soo dhowayntii wasiirka  ee Berbera nagu qabsaday, kuwaa waxaan leenahay,    Haddii  aanaan ka hortegin oo soo dhowayn Saleebaan Xagla-toosiye oo wasiir Somaliland ah,   Ma Cali Khaliif oo Muqdisho jooga ayaanu ka hortagnaa oo soo dhowaynaa.” Ayuu yidhi Cismaan Kalash.

Dhinaca kale soo dhoweynta Saleebaan Xagla-toosiye  ee siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta deegaamada Sool iyo Buuhoodle kasoo jeeda ayaa muujisay  inuu yahay siyaasi da’yar oo miisaan ku yeeshay mudo yar saaxada siyaasada Somaliland oo uu kusoo biiray Oct 2012 sanadkii hore Markii Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay xilka Wasiirnimo.
Waxayna magacaabistiisu wax weyn ka bedeshay xiisadii dhinaca Buuhoodle ee gacan ka hadalka iyo dagaaladii weeraradii mararka qaar ay kooxda SCC, ee uu rukunka u ahaa  kusoo qaadi jireen ciidanka qaranka Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *