Boorama(ANN)Dad gadoodsan ayaa weerar ku qaaday xalay caweyskii Saldhiga Dhexe ee Boorame. Kadib markii ay Ciidamada Boolisku maalinimadii xabsiga u taxaabeen nin lagu magcaabo iyo   Maxamed Jaamac Abgaal oo xusbin ka ah Xisbiga Mucaaridka ee UDUB, isla markaana kasoo jeeda

 

deegaanka Boorama.
Xadhiga ninkaa  ayaa ka danbeeyay kadib markii ay shalay koox Salaadiin Odayaal dhamaqameed iyo siyaasiyiin ay hadalo canbaarayn iyo eedayn ah warbaahinta u mariyeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, iyagoo ka hadlaya dhacdadii 5 Dec, 2011 lagu dilay sadexda qof dadka deegaanka Saameel ee Boorama.
Hase yeeshee kooxo u baddan dhalinyaro ayaa xalay caweyskii weeraray saldhiga dhexe ee Boorama oo ay ku xidhnaayeen labadaa nin, waxayna ciidamadu Boolisku dareeriyeen kooxahaa dhalinyarada ah, balse mar kale ayay isku dayeen inay arbushaan Saldhiga. Laakiin ciidamada amaanka ayaa ka dareeriyay goobtaa, kuwaas oo xaalada gacanta ku dhigay, isla markaana hor istaagay inay rabshado ka dhashaan halkaa.
Dhacdooyinka oo xidhiidh la leh dilkii laba maalmood ka hor ka dhacay deegaanka Saameel ee Boorama ayaa keentay xaalad cusub oo laga cabsi qabo inay soo noolayso mushkilad muran dhuleed oo mudo dheer ka taagnaa deegaanka Ceel-berdaale, taas oo u dhaxaysay dadka deegaanka Gebilay iyo Dilla, isla markaana marar baddan ay ka dhasheen isku dhacyo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
Dhinaca kale Ciidanka Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay maanta  Suldaan Xuseen Aw Muuse Cirday oo ka mid ah Salaadiinta Gabiley, isagoo ku sugnaa magaalada Hargeysa. Sidoo kale xukuumadda ayaa shalay xabsiga u taxaabaty Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) oo ahaa la Taliyaha arrimaha Siyaasada ee Madaxweynaha, isla markaana kasoo jeeda deegaanka gebilay,  iyadoo horena loo xidhay lix Oday oo ka mid ah Odayaasha deegaanka Gebilay, kuwaas oo uu ka mid yahay  Sheekh Maxamuud Raagge, isla markaana dhamaantood ahaa kuwii saxeexay heshiiska dhawr bilood ka hor xukuumadda Somaliland ka hirgelisay muranka iyo khilaafka deegaanka Ceelberdaale oo mudo dheer soo jiitamayay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *