Boorama(ANN)Dad dhalinyaro u baddan ayaa maanta mar kale sameeyay mudaharaadyo rabshado wata oo ay doonayeen inay ku weeraraan Saldhiga Dhexe ee magaalada Boorama. Kadib markii  ay  Ciidamada Boolisku maalinimadii xabsiga u taxaabeen nin lagu magcaabo Maxamed Jaamac

 

Abgaal oo xusbin ka ah Xisbiga Mucaaridka ee UDUB, isla markaana kasoo jeeda deegaanka Boorama.
Xadhiga ninkaa  ayaa ka danbeeyay kadib markii ay doraad  koox Salaadiin Odayaal dhamaqameed iyo siyaasiyiin ahi  hadalo canbaarayn iyo eedayn ah warbaahinta u mariyeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, iyagoo ka hadlaya dhacdadii 5 Dec, 2011 lagu dilay sadexda qof dadka deegaanka Saameel ee Boorama.
Hase yeeshee kooxo u baddan dhalinyaro ayaa xalay caweyskii weeraray saldhiga dhexe ee Boorama oo ay ku xidhnaa ninkaasi, waxa kala dareeriyay   ciidamada Booliska iyo Milateriga , balse mar kale ayay maanta dib u bilaabeen mudaharaadyo rabshado wata, isla markaana Ciidamada amaanka ayaa kala dareeriyay, iyagoo rasaas cirka u ridayay. Sida ay sheegayaan dad goob joog ahi dhalinyaradaa ayaa ciidamada amaanka dhagxaan ku shiiday, balse ilaa hada ma jiraan wax dhaawayo ah oo ay geysatay rasaasta lagu kala dareeriyay. Laakiin waxa dhaawacyo fudidi gaadheen qaar ka mid ah askarta ciidamada amaanka, waxayna rabshadahaasi istaageen goor danbe maanta, iyadoo ay deegaanka Boorama ee Magaalada Dilla gaadheen wefdi ka socda xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha, kuwaas oo gelinkii danbe  kulan  la yeeshay Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Dilla, isla markaana waxa xabsiga laga sii daayay Maxamed Jaamac Abgaal oo ay mudaharaadayaashu dalbanayeen in lasii daayo.
Hase yeeshee waxa jira warar sheegaya inay ciidamada amaanku xabsiga u taxaabeen dhalinyaro ka mid ah kuwii rabshadaha waday, kuwaas oo qaarkood lala xidhiidhiyay inay arrimaha ka taagan deegaanka uga faa’idaysanayaan siyaasado waxyeelo abuuri kara oo kasoo horjeeda qaranimada Somaliland.
Xukuumadda Somaliland ayaan si cad uga hadal mushkilada ka taagan deegaankaa, balse waxa jira dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo la doonayo in lagu xaliyo arrimahaa, iyadoo dhinaca kalena xabsiga loo taxaabay maalmihii lasoo dhaafay dad lala xidhiidhiyay asbaabaha salka u ah rabshadahaa ee dilalkii 5 Dec ka dhacay deegaanka Saameel ee Ceel-berdaale.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *