Hargeysa(ANN)Taliyaha Ciidanka Qarranka Somaliland Gen. Nuux Ismaaciil Taani ayaa beeniyay eedaymo ay salaadiin iyo siyaasiyiin reer Awdal ahi u jeediyeen,  kuwaas oo ay kula xidhiidhiyeen  inuu lug ku lee yahay  leeyahay dilkii dhawaan ka dhacay deegaanka Seemaal  ee gobolka

 

Awdal.

Gen. Nuux Taani  waxa uu daboolka ka qaaday in uu arintaasi ka madaxbaanaan yahay,  isla markaana aanay jirin wax gacan ah oo uu ku lee yahay, wuxuuna ku tilmaamay  eedaymaha loo soo jeediyay  inay yihiin hadal madhalays ah oo aanay waxba ka jirin.
Gen. Nuux Ismaaciil Taani  waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay gurigiisa magaalada Hargeysa, isagoo  carabka ku dhuftay inaanay arintani  aanay wax suura gal ah ahayn, isla markaana  inaanay wax dhici kara ahayn in isaga oo ah nin Amni in lagu tuhmo arimo xasilooni darro “Anigoo ku suntan, amnigii qarranka Taliye ciidan ah qof weliba oo caqli lihi wuu garan kara inaanay iga suurtagal ahayn inaan ku meeraysto waxyaabaha yar ee noocaasi ah, waxaan u arka eedayntaasi mid danno gaar ah laga leeyahay” ayuu yidhi Taliye Taani.

Gen.  Taani wuxuu si ba’an u weeraray Garaad ku jira golaha Guurtida oo ka soo jeeda gobolka Awdal oo uu sheegay in kiiskiisa uu u gudbiyey Maxkamadda Somaliland “waxan maqlayey nin Garaad ah oo guurtida ku jira oo igu eedaynaya anigu inaan ka danbeeyey arrintaasi, wuxuu yidhi garaadku isagoo VOA-da weraysi siinaya waa in la dilaa, xitaa ma odhan waa in xilka laga qaada wuxuu yidhi,  waa in la dilaa, waxaan u gudbiyey kiiskiisa maxkamadda iyadaana noo gar qaadi” ayuu yidhi General Taani.

wuxuu ku eedeeyey siyaasiyiinta iyo Odayaasha dhaqanka ee gobolka Awdal inay fidmo wadaan isagoo sheegay inuu isagu kari lahaa inuu isaguna beeshiisa salaadiintooda intuu keeno ay u jawaabaan,  balse ayuu yidhi uu ixtiramaayey karaamada iyo sharafta uu qarranka u hayo wuxuu isagoo la hadlaya siyaasiyiinta gobolka Awdal  yidhi, “waar nimanyahow anagu waanu is qabanaa, dhiniciina idinku miyaydaan is qaban oo aydaan is dhaamin”.

Nuux Ismaaciil Taani isagoo ka hadlaya dhacdadii Seemaal wuxuu sheegay in labada nin ee is dhallay ay isaga ilmaabti ahaayeen “labada nin ee is dhallay ee halka lagu dilay anaga ilma abati aayaanu ahayn xigto ayaanu ahayn, sokeeye ayaanu ahayn cid walba ka xiga kuwa halkaasi ka tororogta haya ka xiga ka damqday oo ilmaabtiyaday ahaayeen, waar siday ku dhici karta in xitaa aniga farta la igu soo fiiqo, aniga danbiga haddii aan galla iyo haddii kalaba dalku wuxuu leeyahay hay’addo wax baadha kuwaasi ayuunba igu caddayn kara” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Qaranku.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *