Gebilay(ANN) Xaalada Maxaabiista Xabsiga Gebilay ee sida gaarka ah loogu hayo Haweenka ayaa  laga dayriyay . kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay dayac iyo darxumo ugu geeriyootay Haweenay ka mid ahayd maxaabiista oo lagu xumay

 

sannad iyo shan bilood.
Marxuumadaa oo magaceegu ahaa Sahra Biixi Shire oo da’adeeda lagu sheegay  47 jir, ayaa geeriyootay kadib markii ay soo waajahday xaalad caafimaad daro, isla markaana ay suurta gal noqonweyday in loo gudbiyo dhakhtar oo ay masuuliyiinta xabsigu dhegaha ka furaysteen cabashadeeda, balse sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u sheegeen qaar ka mid ah dadka maxaabiista ku dhow dhow  iyo kuwo xabsiga ku jira, waxay maxaabiistu sameeyeen mudaharaad maalmo ka hor intii aanay geeriyoon marxuumadaasi 21 Sep 2011. Kadib markii laga soo celiyay  cusbitaalka iyadoo xaaladdeeda caafaimaad liidato, taas oo ay aad uga xumaadeen, waxayna masuuliyiinta xabsiga ku khasbeen in haweenaydaa lagu celiyo cusbitaalka. Laakiin maamlin ka dib ayay geeriyootay, iyadoo u dhimatay dhiig la’aan iyo nafaqo daro.
Marxuumadaa oo sida ay xoggaha la xidhiidha sheegayaan ku xukunayd  sanad iyo shan bilood waxa ay ka mid ahayd 51 haween ah oo ku jira xabsigaa, kuwaas oo xoggaha shebekada Araweelonews  ka heshay sheegayaan  inay xaalad foolxun iyo  dayac badani ka jiro xabsiga Gebilay ee gaarka u ah dumarka, isla markaana ay 4  ka mid ah Haweenkaa  ku jiraa caruur ku haystaan, iyadoo sadex ka mid ahi ku  dhaleen  intii ay maxaabiista ku ahaayeen xabsiga., kuwaas oo aan helin daryeel caafimaad marka ay maxaabiista qaarkood xanuunsadaan, isla markaana aanay haysan wax nafaqo ah iyo saxada xabsiga oo liidata. Sidaa awgeed ay halis u yihiin xanuuno khatar ah.
Qaar ka mid ah haweenka ku jira xabsigaa ayaa ah hablo yar yar, kuwaas oo waxyaabo kala duwan lagu soo eedeeyay, iyadoo mid ka mid ah Haweenkaasi 18 sanadood ku jirtay xabsigaa. Haweenka ku jira xiabsiga maaha dhamaan kuwo xukuno ku dhaceen, balse waxa jira kuwo gar sugayaal ku ah xabsiga, tusaale ahaan  Nimco C/llaahi Maxamed waa gabadh 17 jir ah, waxaana laga soo xidhay magaalada Laascaanood August 2011, iyada iyo ninkeeda oo maalmo ka yar ay is guursadeen, waxaana lagu eedeeyay inay  xidhiidh la leeyihiin kooxaha aragixisada, waxaana gabadhaa loo gudbiyay xabsiga Gebilay, iyadoo aan weli maxkamad lasoo taagin.
Inakasta oo xabsiyada Somaliland ay jiraan duruufo qalafsan oo ay buux dhaafiyeen maxaabiis garsugayaal ah iyo kuwo xukuno kala duwani ku dhaceen, hadana xaalada xabsiga Gebilay ee Haweenka  ayaa ah mid si gaara farta loogu fiiqayo, iyadoo ka sokow duruufaha ka jira halkaa iyo kuwa uu la wadaago xabsiyada  kale ay u dheer yihiin masuuliyiinta gacanta ku haya maxaabiistaa oo aan wax naxariis ah u samayn, isla markaana aan dhegaha ka furaysta cabashooyinka maxaabiista. iyadoo saraakiisha iyo masuuliyiinta xabsiyadu ka war wareegeen inay jawaabo ka bixiyaan xaalada iyo duruufaha ka jira xabsigaa iyo kuwa kaleba.
Maaha markii u horaysay ee xabsigaa haweenka maxaabiista ku ah qaarkood u dhintaan dayac iyo darxumo, kuwaas oo markii ay soo waajahday xaalad caafimaaddaro aan helin adeegii  iyo gurmadkii loo baahnaa ee caafimaad, waxaana horaantii Jun  2010 sidan oo kale ku geeriyootay cusbitaalka magaalada gebilay marxuumad Shaadiya Cabdi Ducaale oo gudidii nabadgelyada ee xukuumaddii Daahir rayaale xabsiga u taxaabeen, iyadoo aan wax maxkamad ah la geyn oo aan xukun maxkamaddeed ku dhicin, taas oo markii ay mudo xabsiga ku xanuunsanaysay loola carary cusbitaalka oo ay ku geeriyootay iyadoo katiinadaysan. Sida ay xiligaa faafisay shebekada Araweelonews.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *