photo

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta shahaadooyin gudoon siiyay  ardaydii ugu badnayd ee ka qalin jebisa Jaamacadda Hargeysa, kuwaas oo tiradoodu ahayd  538 arday oo ka qalin jabiyay Jaamacada toban kuliyadood oo ka mid ah

 

Kuliyadaha Jaamacadda.
Munaasibad balaadhan oo loo qabtay  qalin jabinta Ardayda ee Jaamacadda waxa ka qeyb galay Hoggaamiyeyaasha Axsaabta siyaasada, Xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda, waalidiin iyo marti sharaf kale. Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xafladaa  ayaa bogaadiyay ardaydii qalin jabisay waxaanu yidhi,  “Marka u horaysa waxaan hambalyo aad iyo aad u balaadhan aan u soo jeedinayaa ardayda ka qalin jabisay jaamacadan Hargeysa iyo macaliimiinta iyo maamulka Jaamacada ee ardaydan wax baray waxaan doonayaa inaan u sheego in anigoo ku hadlaya magacii dawlada Somaliland inaanu ku faanayno qiimayn iyo qadarin aad u weyna aanu siinayno. Waxaan idin leeyahay intiina maanta qalin jabisay Hambalyo.”

 

photo

“Jaamacada Hargeysa waa Jaamacadda u weyn aad iyo aad u taariikhiya, waa jaamacad qaranka Somaliland iyo dadweynuhu aad ugu faanayaan, waxaan u rajaynaynaa inay guusha iyo heerka ay maanta marayso ay kor uga sii socoto,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Waxa kale oo uu sheegay inuu hambalyo iyo Bogaadin u soo jeedinayaa shirkadaha iyo dadweynaha reer Somaliland ee jaamacada Hargeysa gacanta ka geystay. “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u soo jeedinayaa shirkadaha iyo dadweynaha reer Somaliland ee gacanta ka geysatay dhismaha jaamacada waxaan waliba ku sii guubaabinayaa inay halkaasi ka sii wadaan,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

photo

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Anagu dawlad ahaan waxaanu balan qaadaynaa inaanu gacan ka geysano wax kasta oo ay jaamacaddaha dalku u baahdaan,waxaan idin leeyahay waxaanu wax idin kala qaban doonaa baahiyo badan oo aad sheegateen.” Wasiirka Wasaarada waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo ka hadashay xafladaasi ayaa bogaadisay ardaydii ka qalin jabisay Jaamacada Hargeysa waxaanu tilmaantay inay ku faraxsan tahay ardayda tiradaasi lee gee ka aflaxday Jaamacada.
“Jaamacada Hargeysa ma aha Jaamacad gobol mana aha jaamacad cidi leedahay ee waa jaamacad qaran,”ayay tidhi marwo Samsam Cabdi Aadan. Guddoomiyaha Ku meel gaadhka ah ee Jaamacada Muuse Aadan Axmed, oo isaguna xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in isagoo ku hadlaya magaca ardayda qalin jabinaysa uu u mahad celinayo marti sharafta uu u horeeyo madaxweynaha Somaliland ee ka qayb galay xafladan. Waxa kale oo uu bogaadiyay waalidiinta iyo marti sharafta kala duwn.

photo

“Ardaydani waa dufcadii ugu badnayd ee ka qalin jabisa jaamacadaha dalka, waana dufcadii 8-aad ee ka baxda jaamacada Hargeysa, waana 538 arday, oo hablo ay yihiin 150 arday oo u dhiganta 27% iyo 388 wiil,”ayuu yidhi Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Guddoomiyaha oo la dardaarmayay ardayda qalin jabisay waxa uu yidhi “Idin odhan maayo waad qalin jabiseen ee waxaad dhamayseen afartii sanadood ee hore waxbarashadiinuna waa bilow, bini’aadmiguna illaa maalinta uu dhasho ilaa maalinta uu dhimanayo waxa uu ku jiraa waxbarasho. Waxa ku jira ardaydan qalin jabinaysa 29 arday oo bartay Cilmiga Tiro koobka (Statics-ka). Waxaanu madaxweynaha Somaliland ka codsanaynaa in intii uu kari karo ardaydaasi jaamacada ka qalin jabisay uu shaqo u raadiyo. “ “Waxa kale oo aanu madaxweynaha ka codsanaynaa jaamacadu waxay muddo ku jirtay maamul ku meel gaadh ah, ILAAHAY ha u naxariistee Guddoomiyihii hore Muuse Cabdi Cilmi laba jeer oo ku meel gaadh ah ayuu galay, ninkii ku xigayna ku meel gaadh ayuu ahaa laakiin dan gaar ah ayuu u baxay , waxaan Anigu xilkii ula wareegay si ku meel gaadh ah 11 arday oo ka mid ah kuwii sanadkii hore jaamacada ayaanu macalimiin ayaanu ka dhignay markii ay muddo ku shaqaynayeen ku meel gaadh markii jaamacadu koorasyo u dirtay ee aqoontooda kor loo qaaday imika waxay yihiin macalimiin jaamacadeed oo rasmi ah. Waxaanu doonaynaa inaan jaamacadu ay qeyb libaax ka qaadato qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliland haddii ay tahay daraasad iyo horumarinba,”ayuu yidhi Muuse Aadan Axmed.

photo

Ardaydani waxay ka qalin jabiyeen toban kuliyadood oo jaamacada lagu barto oo ay ka mid yihiin Sharciga, ICT, daraasaadka islaamiga ah, Maamulka iyo maareynta, Ganacsiga, xalinta khalaafaadka iyo kuliyado kale. Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali waraabe iyo Guddoomiye Ku xigeenka xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin waxaanay dhamaantood bogaadiyeen ardaydii ka qalin jabisay jaamacada waxaanay sheegeen in ardaydan loo baahan yahay in loo abuuro fursado shaqo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *