Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud ayaa saaka subaxnimadii hore booqasho aan hore loo shaacin ugu kalahay deegaanka  gobolka Baligubadle ee Koonfurta Hargeysa, lama garanayo ujeedada socdaalka booqashada Madaxweynaha  iyo inta

 

ay qaadanay, balse wararka qaar ayaa sheegaya inay maalmihii u danbeeyay halkaa ka socdeen abaabulo shirar aan si cad loo ogayn nuxurkooda, taas oo sababtay inuu Madaxweyne Siilaanyo booqdo.


Deegaanka Bali gubadle oo ah meel taariikh weyn ku leh halgankii dib u xoraynta dalka ayaa ah meel xusuus gaar ah u leh Madaxweyne Siilaanyo xiligii uu hogaaminayay ururkii SNM oo ay saldhig u ahayd  ururkaa, isla markaana deegaanka Baligubadle waxa uu ka mid yahay meelaha doorashadii madaxtooyada uu ka helay Madaxweyne Siilaanyo codadka ugu baddan, isagoo sameeyay xiligii ololaha balanqaadyo uu sheegay inuu wax kaga qabanayo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada deegaankaa. Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya deegaankaa Madaxweyne Siilaanyo oo si weyn loogu soo dhoweeyay Baligubadle, waxa uu dhagax dhigay dhismaha taallo weyn oo lagu maamuusayo  xaruntii Ururka SNM ee magaalada Bali-gubadle.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu  si weyn ugu mahad celiyay dadweynaha ku dhaqan magaalada Bali-gubadle oo uu sheegay inay xusuus gaar ah ku leeyihiin waxaanu tafaasiil ka bixiyay doorkii ay halgankii dib u xoraynta kaga jirtay magaaladaa iyo dadkeeduba, isagoo  sheegay inay   taalladan uga dan leeyihiin inay xusuus u noqoto  mujaahidiintii naftooda  sadqeeyay  xorayntii dalka, wuxuuna  ILAAHAY uga baryay dhammaan mujaahidiintii u shiiday qaranimada Somaliland inuu naxariisto janno ka waraabiyo.


Madaxweyne  Axmed Siilaanyo waxa uu ka hadlay balanqaadyadii deegaankaa ee xiligii ololaha doorashada, isagoo  sheegay inuu fulin doono  balan-qaadkii uu sameeyay xiligii lagu jiray doorashadii kal hore ka dhacday dalka, balse  wuxuu  ummadda reer Somaliland  ka dalbaday inay samir u yeeshaan  inta xukuumaddu ay fulinayso balanqaadkeedii,

Socdaalka madaxweynaha Somaliland waxa ku weheliyay Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada Xirsi  Cali Xaaji Xasan, Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraalle (Duur), Cadaallada Xuseen Axmed Caydiid,  Gudoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka. Wefdiga Madaxweyne Siilaanyo oo maanta loogu qado sameeyay Baligubadle ayaa galabta soo maray Degmada Salaxley oo ka tirsan Baligubadle, iyadoo sida ay sheegayaan wararku uu Madaxweyne Siilaanyo meel fagaare ah kala hadlay dadka.


IMG_3244IMG_3386

IMG_3325IMG_3351

IMG_3709IMG_3343

IMG_3695rIMG_3738

IMG_3732Aaweelonews Mobile

Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *