Laasqoray (ANN) Saan-saan colaadeed ayaa la sheegay inay ka taagan tahay magaalada dekedda ah ee Laasqoray oo ku taal xeebta dhinaca bari ee Somaliland, kadib markii ay Jimcihii toddobaadkan halkaas yimaadeen maraakiib aan ujeedadoodu cadayn oo sababay

 

iska horimaad dhexmaray ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland iyo dablay saarnayd maraakiibtaas.
Wararka laga helayo magaalada Laasqoray, ayaa tibaaxay inay halkaas yimaadeen maleeshiyaad ka socda dhinaca maamul-goboleedka Soomaaliyeed iyo maleeshiyo degaanka ah oo xoojinaya kuwii aagaas hore u joogay, iyadoo ciidanka badda Somaliland ay kulaalaayaan dekedda Laasqoray oo ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Somaliland, balse waxa ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay sheegeen shebekada Araweelonews  in odayaasha degaanka Laasqoray ay maleeshiyaadka Puntland ku amreen inay ka baxaan magaalada Laasqoray si looga badbaado in dagaal khasaare baddan sababaa halkaas ka dhaco, taasoo keentay in ciidanka ka socday dhinaca Puntland ay halkaas ka baxaan.
Siday dad ku sugan degaanka Laasqoray u sheegeen shabakada wararka ee Araweelonews.com, waxa jira khilaaf soo kala dhexgalay odayaasha degaanka iyo kooxda wadata maraakiibta muranku ka taagan yahay ee yimi magaalada Laasqoray, kadib markii muran ka dhashay qorshaha maraakiibtu u yimaadeen dekedda, oo xogga la helayo ku tilmaameen inay yihiin maraakiib dib-u-dhis ku samaynaya dekedda Laasqoray, kadibna ku beddeshaan macdan laga qaadayo buur ku taal duleedka dhinaca galbeed ee Laasqoray oo la yidhaahdo Geelweynta, balse markii kooxda maraakibta wadatay oo uu hormuud u yahay nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Cali Ducaale ay ku doodeen in ka hor inta aanay qodista dekedda bilaabin ay qaadayaan sahamin la xidhiidha macdanta ku jirta buurta ay bartilmaameedka ka dhigteen, kadibna bilaabaan qodista dekedda, taasoo ay ka soo horjeedsateen odayaasha degaanka Laasqoray, iyadoo odayaashu ku doodeen in marka hore la bilaabo qodista dekedda. 

Dhinaca kale, ciidammada badda Somaliland oo ku sugan duleedka Laasqoray ayaa cabsi ku abuuray kooxda wadata maraakibtaas oo aan si cad loo ogayn cidda ay yihiin iyo ujeedadooda dhabta ah, balse xoggaha shabakada Araweelo ka heshay dadka degaanka ayaa sheegaya in gaadiidka badda ee halkaas yimi ka kooban yihiin markab weyn oo xambaarsan koonteenaro aan la ogayn waxa ku jira, taagga hagga maraakiibta iyo xafaaradda loo adeegsado qodista badda, iyadoo ragga  la sheegay inay isugu jiraan Indhoyar iyo Carab, kuwaasoo shakhsiyaad deegaanka u dhashay ay gadhwadeen u yihiin.
Odayaasha degaanka Laasqoray, ayaa iyaguna la soo xidhiidhay dhinaca maamulka Somaliland, iyadoo xogguhu sheegeen inay ka dalbadeen in laga warsugu inta meel la isla dhigayo muranka u dhexeeya kooxda maraakiibta wadata iyo odayaasha degaanka si xaaladda loo dejiyo.
Magaalada Laasqoray oo kub taal xeebta kulaalaysa silsiladda buuralayda Golis, waxa u dhaw degaanka Galgala oo saldhig ah koox argagixiso ah oo hore u shaacisay in ay la midoobeen kooxda Al-shabaab ee xidhiidhka xooggan la leh ururweynaha Al-qaaciida, kuwaasoo uu hoggaamiyo Sheekh lagu magacabo Maxamuud Atom oo ay dhawr jeer dagaalo dhexmareen ciidanka maamulka Puntland, iyadoo Sheekh Attom la rumaysan yahay inuu yahay xidhiidhiyaha Al-qaaciidada bariga Afrika iyo Jasiiradda Carabta, kaasoo awood baddan ku leh degaankaas oo ah mid istaraatiji ah oo ay waqtigan ku soo qulqulayaan kooxda Al-shabaab ee lagaga awooda roonaaday koonfurta Soomaaliya.
Gaadiidka badda ee toddobaadkan yimi magaalada Laasqoray iyo qalabka ay wataan oo qiimihiisu yahay mid aad u sareeya, lana ogayn cidda leh, halka laga keenay iyo waxa ay u socdaan toona, ayaa cabsi ku abuuray qaar ka mid ah dadka degaanka oo ka walaacsan ujeedooyinka iyo qorshayaasha dhabta ah ee gaadiidka badda ku xidhay dekedda Laasqoray iyo halka ay ka yimaadeen, iyadoo gaadiidkan baddu soo maraeen dhinaca koonfurta dalka Yaman oo xilligan ay ku awood baddan tahay kooxda Al-qaaciidada Carabta ee lagu magacaabo Al-ansaaru Shareeca oo gobolo baddan oo koonfurta Yemen ah gacanta ku haya, isla markaana doonaya inay ku fidaan oo ay gacanta ku dhigaan magaalada Koonfurta Yemen ee Caddan oo ah mid istiraatiiji ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *