Hargeysa (ANNXildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Ibraahim Jaamac Rayte oo ah Sharciyaqaan ka mid ah xildhibaannada ugu miisaanka culus ee xisbiga tallada haya ee KULMIYE ugu jira Golaha Wakiillada, ayaa si kulul u weeraray xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, kuwaas

 

oo sharci-darro ku tilmaamay xukunkii Maxkamadda Gobolka Hargeysa toddobaadkan ku riday saraakiishii iyo xubnihii ku eedaysnaa raashinkii la lunsaday.
Labada xildhibaan oo si wadajir ah shir-jaraa’id ugu qabtay maanta  hudheelka Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxay si kulul uga hadleen xukunkii maxkamaddu ku riday masuuliyiintii xilka laga qaaday ee xidhan, cidda ku ceebaysan lunsigii raashinka caawimada ahaa, doorka boolisku ku lahaa raashinkaas la leexsaday, waxayana tilmaameen in xukuumaddu farogelin ku samaysay garsoorka dalka, waxayna ku baaqeen in madaxweynuhu siyaasadiisa arrimaha dibadda iyo wadahadalada Soomaaliya u soo gudbiyo Golaha Wakiillada, haddii taas la fulin waayana loo arki doono khiyaamo qaran oo tallaabadeeda laga qaadi doono,iyadoo sidoo kale golayaasha guurtida iyo wakiilada ugu baaqay inay saaraan guddiyo si madaxbannaan u baadha fadeexadaha raashinka mucaawimada ahaa ee la lunsaday iyo farogelinta xukuumaddu ku samaysay garsoorka dalka.
Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in xukuumaddu mudadii ay jirtay ku tumatay sharciga iyo dastuurka dalka u yaal; “Xukuumadda Siilaanyo ee hadda mudada labada sanno ah jirtaa waxay la kawsatay inay ku tumado sharcigii iyo dastuurkii dalka u yaalay, tallaabo kasta oo xukuumadu ku kacday waxay ahayd mid sharciga baalmarsan, waxaanan jecelahay in aan xukuumadda ugu baaqo inay ku soo noqoto ku dhaqanka sharciga iyo nidaamka dalku qaatay ee dastuuriga ah ee dimuqraadiga ah, haddii laga soo noqon waayana dariiqan hadda la hayaa wuxuu inoo horseedayaa burbur iyo colaad, si taas looga badbaadana waa in xukuumaddu ku soo noqoto ku dhaqanka sharciga,” ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.
Waxa kale oo Ibraahim Jaamac Rayte oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada ee aqoonta u leh sharciga uu ka hadlay xukunkii toddobaadanka Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku riday masuuliyiinta iyo xubnihii ku eedaysnaa lunsiga raashinka mucaawimada ah, isagoo xukunkaasna ku tilmaamay mid baalmarsan sharciga oo cid kale oo garsoorka ka baxsani go’aankiisa lahayd. Waxaannu xildhibaanku xusay in aanay maxkamaddu xukunkeeda ku salayn hadaladii iyo waxyaabihii markhaatiyaashu ka marag kaceen oo ahaa in aanay jirin cid arkaysay masuuliyiinta eedaysnaa oo faraha kula jira lunsiga raashinka mucaawimada ahaa.
“Xukunkii maxkamaddu waxa uu ahaa mid habayaaree aanay ku salaysnayn sharciga oo baalmarsan, kumanuu salaysnayn wixii markhaatiyaashii xeer-ilaalintu soo kaxaysatay ka hor sheegeen maxkamadda, xukunkaasina waxa uu ahaa mid cid aan garsoorka ahayn soo goysay oo dabada ka waday. Intii kiiskaasi socdayba waan la socday oo goob-joog baan ka ahaa wixii markhaati waliba sheegay, ummadda oo dhana arrintaas way ogayn, waxaanan kiiskan mudadaas uga aamusnaa aniga oo xaqdhawraya sharciga nidaamka garsoorka oo kiis maxkamadda ku jira in laga hadlo maaha, balse waxa jirtay in xukuumaddu intaasba ka hadlaysay oo ay raga xidhan siiba xukumeen, taliye-ku-xigeenka booliska oo xilligaas ahaa ku-simaha taliyuhu laba jeer buu ka hadlay kiiskan, si guud ayuuna u xukumay in raga xidhan dambiilayaal yihiin, madaxweyne-ku-xigeenku kiiska oo socda ayuu ka hadlay, madaxweynaha laftiisu shirkii KULMIYE ayuu arrintan kaga hadlay, taasoo macnaheedu tahay in xukunkii maxkamadda oo aan dhicin nimankaas la sii xukumay, taasina waxay ka soo horjeeda nidaamka iyo sharciga aynu ku dhisanahay, markaa sababta aan maanta uga hadlay waxa weeye xukunkaa baa dhacay oo waa inaan tilmaamo in xukunkaas dhacay aannu habayaraatee ku salaysnay sharciga dalka u yaal iyo nidaamkii waaqaca ahaa ee ka caddaaday maxkamadda horteeda ee ay 21 ka markhaati isaga dambeeyeen,” ayuu yidhi xildhibaan Rayte.
Waxa xildhibaanku tilmaamay in dhacii loo gaystay raashinka mucaawimada ahi ay ahayd fadeexad weyn oo aan dhinacna u dhaafsanayn xukuumadda, isagoo xusay inay ahayd in xukuumaddu raashinkaas mucaawimada ah gacanta ku qabato oo ay dadkii loogu tallogalay si siman ugu qaybiso, waxaananu xildhibaanku sheegay in boobku dhacay markii madaxtooyaddu maamulka raashinkaas u gacangelisay NGO cusub oo sifo qaloocan u lunsaday raashinka mucaawimada ahaa, balse aanay masuuliyiintii xilka laga qaaday ee xukumani wax lug ah iyo shaqo ku lahayn maamulka iyo gacan ku haynta deeqdaas.
Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte waxa uu sheegay inay maxkamadda ka hor caddaatay in raashinka la lunsaday gaadhayo ilaa konton gaadhi, oo meel ay mareen cid cadayn kartaa aanay jirin, balse waxa qudha ee la ogyahay yahay in raashinkaasi yaalo bakhaarada magaaladda oo guri aan soo ibsan oo lagu karin uu yaryahay, isagoo tilmaamay in raashinkaasi aannu 80% gaadhin dadkii loogu tallogalay, taasoo masuuliyadiisa aanay lahayn badhasaabkii hore ee gobolka Hargeysa, agaasimihii guud ee Dib-u-dejinta iyo la-taliyihii madaxweyne-ku-xigeenka.
Xildhibaan Rayte oo sharaxayey cid masuuliyadda raashinka la lunsaday lahayd, waxa uu yidhi; “Raashinkaas ilaa maalintii dekedda Berbera laga soo rarayey ilaa intii uu Hargeysa soo gaadhayey waxa gacanta ku hayey ciidanka booliska oo gaadhi walba askar baa  la socotay, sidaa darteed raashinku marna gacanta dawladda kama bixin, su’aasha koowaad ee la isweydiinayo waa raashinka gacanta booliska ku jiray sidee ayuu uga baxay gacanta dawladda? Waxa maxkamadda ka caddaatay in taliye-ku-xigeenka booliska iyo ninkii bakhaarka haystay ee xukunka lagu riday ay ilaa toddoba jeer wadahadleen, isagoo taliye-ku-xigeenka oo markaas taliyaha ku-meelgaadhka ahaa uu maxkamadda horteeda ka dafiray in aanay ninkaas wadahadal, iyadoo markii la soo helay inta jeer ay wadahadleena ay caddatay in isaga oo dhaartay uu maxkamadda horteeda been ka sheegay, taasoo aanay wax natiijo ahi ka iman, sababtoo ah maxkamadda horteeda hadaad been ku dhaarrato waa dambi ka mid ah dambiyada xeerka ciqaabta, iyadoo garsooruhuna awood u lahaa inuu tallaabo qaado, ta kale ee dhacday waxay ahayd in maalintii u dambaysay ay xeer-ilaalintu ka noqotay qodobadii ay markii hore ku soo oogtay ee lunsiga hantida ahaa, waxayna yidhaahdeen waxba may lunsan iyaguna awooddoodii baa laga faa’iidaystay, maxkamaddana kamay hor cadaan cidda awoodooda ka faa’iidaysatay iyo sida looga faa’iidaystayba, xukunkaasna maxkamadda waa loo yeedhiyey oo waa lagu soo farogeliyey. Waxaanad moodaaa in wadanka laga xukumo xafiis qudha oo u eeg kii madaxtooyadii Siyaad Bari, taasina dhici mayso oo wadankani distoor iyo xeerar buu leeyahay, halkana dimuqraadiyad baa lagaga dhaqmayaa oo Somaliland laga xukumi maayo xafiis u eeg kii madaxtooyadda Siyaad Bare, waxaan leeyahay in maxaabiista shakhsiga u xidhan ee Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadaw)  ka mid yahay sida ugu dhakhsaha baddan xoriyadooda loogu soo celiyo, Boqorku muddo saddex bilood ka badan ayuu maxkamad la’aan u xidhan yahay, waana caddaalad-darro xoriyadiisa lagula kacay,  sharaftiisa iyo karaamadiisa lagula kacay, saraakiisha xukunku ku dhacay ee ku eedaysnaa musuqa raashinka la lunsaday waa in xoriyadoodii loo soo celiyo oo magdhaw laga siiyo wixi lagula kacay,   waxaanan golayaasha Wakiillada iyo Guurtidaba ugu baaqayaa inay saaraan guddiyo si madaxbannaan u baadha fadeexadii raashinka la musuqay iyo farogelinta lagu sameeyey garsoorka dalka, ummaddana ay warbixin ku soo celiyaan oo tallaabo sharci ah ka qaadaan golayaashu.”
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa sheegay in ujeedadii isbeddelka loo doonayey aanay ahayn in Daahir Rayaale la beddelo, balse qorshihii KULMIYE u dejisnaa iyo dastuurkii uu samaystay uu ahaa in wax laga qabto garsoorka, hay’adda shaqaalaha iyo golaayasha qaranka oo mid waliba waajibkiisa dastuuriga ah iyo shaqadiisa u madaxbannaan yahay, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay go’aankii ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Hargeysa ee lagu xukumay masuuliyiintii ku eedaysnaa musuqmaasuqa.
Waxa Md. Siciid Cilmi Rooble uu si weyn u dhalliilay hoggaaminta tallada dalka ee madaxweyne Siilaanyo, isagoo farta ku fiiqay siyaasadda Arrimaha Dibedda, heshiisyada xukuumaddu gasho oo uu ku tilmaamay in aan weli la horkeenin golaha wakiilada, iyadoo ay jiraan buu yidhi; ‘Heshiisyo baddan oo xukuumaddu gashay mudadii ay tallada dalka haysay.” Waxa kale oo xildhibaanku tusaale u soo qaatay nabadgelyada dalka ka jirta  oo  uu ku sifeeyey inay jiraan mushkiladu is dul-fuulay oo aan waxba laga qaban xallintooda, wxuuna tusaale u soo qaatay muskhiladaha degaanka Kalshaale iyo Warshadda sibidhka ee Berbera oo waxka qabashadoodu dhaafi wayday guddi baannu u saarnay.
Md. Siciid Cilmi Rooble oo ka hadlay dhinaca garsoorka, waxa uu yidhi; “Siyaad Barre dadka wuu xidhi jiray, looyarna looma qaban jirin, Rayaale anagga oo KULMIYE ah ayuu na xidhi jiray oo kuwa ka soo horjeeda ayuu xidhi jiray, muddo dabadeedna wuu soo dayn jiray, laakiin nimaadka Siilaanyo waxa uu xidhay kuwii ugu dhawaa ee u soo halgamay, waynu ogayn sidii loo xidhay badhasaabkii Hargeysa iyo agaasimihii dib-u-dejinta, waxay ahayd, waxaanna ku dhacay sharci-darro ah, iyadoo ay ahayd in maxkamaddu go’aankeeda ku salayso 17 kii markhaati ee ay dhegaysatay, madaxweynaha waxaan leeyahay wixii aynu mudada dheer ku baaqaynay iyo garsoorkii aynu lahayn waynu haggaajinaynaa oo madaxbannaani buu helayaa waynu ka baaqsanay oo waxaynu korodsanay daal, markaa waxaannu leenahay sharci-darrada iyo caddaalad-darada ma ogolin, madaxweyne waxaa lagaa filayey garsoor iyo caddaalad madaxbannaan iyo in aad ummaddan taariikh uga tagto,  laba sannadood ayaa lagu xaqdhawrayey oo aan ciddi kula hadal, madaxweyne wixii aad Cabdiraxmaan Tuur baday weli ciddi lagama gaadhin, wixii ay isbeddel-doonkii ASAD iyo Saleebaan Gaal ina Cigaal badeen weli xubin lagama gaadhin, wixii aynu Daahir Rayaale iyo xukuumadiisii badnay weli ciddi lagama gaadhin, markaa madaxweyne maanta ummaddu hadalkii iyo dhaliishii way bilaabaysaa ee marka lagula hadlo cabannaanta iska daa oo saddexda habeenimo ha hadlin oo mucaaridkaaga ha u jawaabin, waxaana leeyahay hadaad imika is daba qaban weydi taariikh madaw ayaad ka tagaysaa.”
Waxa kale oo xildhibaan Siciid Cilmi Rooble uu xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inay golaha wakiillada horkeento siyaasadda ay ka damacsantahay wadahadlada Soomaaliya, “Madaxweyne, marka golaha la furo haddaad horkeeni weydi siyaasaddaada iyo qorshihiina wadahadalada arrimaha Soomaaliya, waxa loo qaadanayaa oo ummaddu u arki doontaa inaad ku jirto khimaayo qaran, tallaabadii ku haboonaydna waa lagaa qaadi doonaa.”  Ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *