Gudoomiye Xigeenka UDUB Axmed Yaasiin Oo Jawaab Ka Bixiyay Weedho Gudoomiyihiisa  Rayaale Kaga Hadlay Go’aan Maxmakadda Sare Kasoo Saartay  Murankooda Hargeysa(ANN)Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Axmed yuusuf Yaasiin ayaa jawaab ka bixiyay Hadal kasoo baxay guddoomiyaha Xisbiga UDUB,  Daahir Rayaale Kaahin, kaas oo uu kaga hadlay shalay go’aankii ka soo baxay Maxkamada Sare ee Somaliland oo dacwad

 

labadooda ka dhaxaysa todobadkii hore go’aan ka soo saartay.
Axmed Yuusuf Yaasiin oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay gurigiisa Magaalada Hargeysa,  wuxuu  yidhi,  “xisbigani wuxuu shaqaynaayey markii laga guulaystay laba sannadood wuxuu qabsaday shuruuc farabadan wuxuu sameystay xeerar fara badan wuxuu sameysta musharixiin,  taas oo uu gudoomiyuhu ka horyimid markay intaasi dhacday waxaanu garanay in arintaa loo gudbiyo Gudida diiwaan galita lagana ansixiyo wixii xisbigu qabsaday” ayuu yidhi.
Axmed yuusuf waxa uu ka hadlay go’aanka maxkamadda sare, isagoo yidhi, “horta labadaa qodob baa loo gudbiyey maxkamada,  maxay ka tidhi qodobkii gudoomiye nimada xisbiga maxkamadu waxay ka tidhi mar dhexe,  ama mar dambe ayaa lasoo galiyey oo rafcaanka kuma jirin diiwaan galintuna iyaguna indhahay ka qar sadeen markaa waxa la yidhi qodobkaasi lama galin oo waa caynkiisii waana mid u yaala kooramkii watay”.
Gudoomiye xigeenka UDUB, isagoo sharaxaya wixii uu qabtay mudadii xisbooda loo wakiishay, wuxuu yidhi,  “Aniga waxa ii yaalay waxqabadkii xisbiga iyo shuruucdiisii taana waxaan filayaa in la go’aamiyey oo ku dhaqan sharci ay leedahay hadii loo noqdo nuxurkeedu waxa weeyi warqada lafteeda igmasho maxay tahay,  waxa weeye Gudoomiyuhu hadduu ka baxo wadanka Gudoomiye ku xigeenka ayaa rasmi u ah Gudooyihii”
“markuu odaygu waqtigii lala balamay iman waayey igmashadii uu gole weynihii 2009-kii u igmaday inuu soo dhiso golihii dhexe  ayuu igu soo waree jiyey,  iyadoo qoraal ah oo uu sheeganayo duruufo u gaar ah,  kaas oo laga duulaayo xisbigu wuu hawl galay xisbigu si balaadhan, Waxaanu isku dayey inuu xisbigu wax kasta oo qabyo ahaa qabyo tiro. xisbigani laga soo bilaabo 2009-kii ilaa aanu samaynay golihii dhexe ee October 31-keedii 2012 wuxuu ahaa bilaa gole dhexe,  odayga(Daahir rayaale) ayaa uu jeeb kiisa ugu jirey,  anigu waxaan ahaa 2009-kii xeerkii hore ee 2001-kii waan soo taagnaa kii hore ii 2009-kiina waxaan u ahaa but dhig samayntiisii iyo kaabistiisii”ayuu yidhi.
Axmed Yaasiin isagoo sharaxaya muranka sharci iyo meelaha wax laga bedelay  ee gudoomiyaha wuxuu yidhi,  “Inuu gudoomiyihii sii tag naado weeye  isna  qodob baynu siinaynaa qodobna xisbigaa lasiinayaa maxaa isaga lasiinayaa waxa weeye  waxa lagu daray qodobka 11.8 gudoomiye kasta oo doorasho ku guulaysta doorashada dambe xisbigu inaanu la tar tamin gudihiisa way dhacday ismaaciil yaraa ahaa musharax c.laahi dirawalbaa ahaa musharax qodonkaasaana horjoogsaday11.8.
Laakiin anigu waxaan  u diidayey Odaygu wuxuu naga mudnaa ixtiraam mudo badan baanu isku xignay oo aanu wada shaqaynaynay,  anigu waan ogaa Laakiin maan rabin in  latukhaan tukhiyo markaa qodobkaa markii uu odaygu(Rayaale) soo fara galiyey arrimaha xisbiga waxa ku dhegey golaha xisbiga waana arrin iyaga u taala aniga mid ii taala maaha.”
Waxa jiray niman na kalifay oo lahaa  musharaxan lala  sugimaayo  doorashad dambe  oo cadaadis xooggan na  nasaaray dabadeedna talaan waydiiyey Daahir Rayaale kaahin nimanka caykaa iyo caykaasa waa todoba nin cadaadisbay nagu hayaan waxay leeyihiin halasameeyo musharax wuxuu yidhi adiga maxay kula tahay waxaan idhi musharaxaa maanta ay wadaan xisbiguu qaybinayaa.
Maanta waxaan ka filaayey odayga waxba la xukumay  ma taaal  oo la kala gooyey ee waxay ahayd intuu  xisbiga  isugu yeedho inuu yidhaa hdo maxaa tala ah,  halkaasay maraysaaye wixii dhacayba dhacee maxaa tala ah laakiin maan filayn inuu khilaaf horle warbaahinta lasoo fadhiisto”ayuu yidhi Axmed Yaasiin.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *