http://arraweelo.com/wp-content/uploads/2013/09/xaaji-a-waraabe.jpgHargeysa (Arraweelo News) Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi waraabe) oo ah mudanaha ugu da’da weyn Golaha Guurtida, ayaa waano dhaxal-gal ah u soo jeediyey golaha odayaasha ee uu u tirsan yahay, isla markaana tusay in aanay

 

ahayn gole siyaasadeed, balse ay yihiin gole dhaqameed.

 

Xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe oo ka qaybqaadanayey dood Golaha Guurtidu ka yeesheen siyaasadda arrimaha dibadda dalka, ayaa golihiisa u soo jeediyey in aanay aflagaado iyo dhaleecaynta masuuliyiinta qaranka ku deg degen, balse wixii khaldan ay si hoose u sheegaan.

 

Xaaji Cabdi Waraabe waxa kale oo uu ka warramay marxaladii dalkan laga soo aasaasay iyo waxyaabaha looga baahan yahay in Golaha Guurtidu la qabtaan dawladda.

 

“Geed hoostii ayaa laga helaya oo aynu ku bilawno oo aqal la hadhsado aynu waddanka ka waynay, waxaana loo baahan yahay in la fahmo Guurtidu waxay ku fadhido, haddaynu soo galnay oo khilaaf dhexdeena ka kacay raggii soo jiiday ee soo hoggaamiyey baa fadhiya golaha, dadkii didmadu ku dhacday ee ilaa Burco laa Hargeysa ahaa, waxa lama qaban in la yidhaana maaha, caalamkuna waa ina arkaya, ictiraafkuna fooduu innagu soo haya.

 

Ninkii maqlaayey Madaxweynihii Konfureed (Somaliya) wuxuu yidhi nina la qasbi maayo, dagaalna bilaabi maayo oo waa runtiisa oo xanaftii hora inagu taal, ma necbin Somali oo waxbaynu ka qaban lahayn, waxna waynu la qaban lahayn, laakiin kalgacalkii hore ee aynu ku dhiibnay iyo dhibaatadu inaga gaadhay ayeynu dib  uga joogsanay, marka maanta dawladaha waaweyn baynu la baratamaynaa, Ilaahaybaana ina caawiyey, ictiraafkuna waa laba ku bani’aadamku hayo oo Ilaahay ku hanuuniyo iyo ku xagga Ilaahay ka yimaada, kii xagga ilaahay waa la ina siiyey oo dharkii, dhuunigii, dhaqashadii, waddadii, guryaheenii, kuwii Imaraadkay shabahaan wax la dhameeyey iyo wax gacanta lagu hayaba, waddooyinkiina gacantaynu ku haynaa, biyiina waynu filayna inay ina wada gadhaan, marka Guurtida waxa ka mabnuuc ah wax qaloocan haddaynu aragno inaynu xil qarino oo si xal mastuur leh u sheegna oo shirguddoonkeena u sheegnaa, inagoo asturan Madaxweynaha iyo wasiirrada u sheegna, bilays iyo cid kasta way shaqaynayaan, qolo canaan lehna ma lihin, ilaa maalinta qiyaamaha la gadhaayo wax way dhinaanayaan, balse maanta dawlad buuxdaynu nahay.”

 

Md. Xaaji Cabdi Waraabe wuxuu Guurtida u soo jeediyey in aanay waxyaabaha dalka ka dhicin u daba fadhiisan xukuumadda ee ay sida ugu dhakhsaha badan iyagu u galaan oo dhinaca kaga aadan hawshooda qabtaan, waxaannu yidhi; “Haddii xisbi mucaarid ah hadal ka dhaco waxba maaha, balse innaga midhka inaga dhaca waa mid ina qoolaya, dhexdeenana hadal in la isku celceliyo waa ceeb, marka waa inaynu mid qudha ahaana, waxa inaga dhimana waa inaynu isagu isu sheegna, meeshay wax ka dhacaana inaynu xukuumadda ka sugno maaha waa inaynu deg deg uga baxna oo shirguddoonku qalqaaliya kharashkiisa iyo sahaydiisa, wixii uu kari waayana xukuumadda la kaashada.

 

Innaga iyo Wasiiradu mid baynu nahay Daakhiligu ha ugu horreeyo oo midig iyo bidix baynu nahay, waana inaynu wada socona oo inagu waynu dhisayna, isna wuu inala dhisaya.”

 

Xildhibaan Xaaji Cabdikariin wuxuu Guurtida u soo jeediyey in ay hadaladooda u miidaan dayaan, waxaannu u bogay siyaasadda Khaarajiga ee dalka, waxaannu yidhi; “Sida mucaaridka inay hadalo inaga dhac dhacaan maaha oo la yidhaa Guurtidii dhallinyara qabsatay, dhallinyaradu ma xumo ee aynu dhaxal aqalka ugu yeedhay ee aynu xaasaska dibjirka ah mushaharadii ha qaateen, marka odayadii lagu dayan lahaa yaanu hadalku ka duulin.

 

Anniga Wasiirka Khaarajigu kaalintiisii buu ka soo baxay oo waa nin caan ah oo la yaqaan oo Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa ee caalamku yaqaan, meel wanaafsan baannu maraya, marka uu yimaadana waa in loo yeedho oo aynu wax ka faa’iidno, isna wax inaga faa’iido.”ayuu ydhi Xaaji Cabdi.

arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *