Boorama (arraweelo News)Ciidanka Booliska magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, ayaa shalay gacanta ku dhigay shixnad Bariis dhacay ah oo laga buuxiyey jawaano cusub , isla markaana Taariikh Been abuur ah lagu qoray. 

 

Shixnada Bariiska dhacay oo saarnayd  Baabuur u socday dhinaca magaalada Boorama, waxa uu ku jiray jawaano  taariikh cusub lagu qoray, iyadoo markii la baadhay la arkay in Bariiskaasi yahay mid dhacay oo midabkiisu madaw isku beddelay, kaas oo halis caafimaad  gelin lahaa bulshada marka suuqa la geliyo.

 

Maayar-ku-xigeenka magaalada Boorama Maxamed Faarax Dheerayste, ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka loo qabtay bariiska dhacay oo uu tilmaamay inay ku wareejiyeen ciidanka booliska si baadhis loogu sameeyo cidda raashinka dhacay ka ganacsata.

 

“Waan tuhunay shixnada baabuurkan saaran oo sida muuqata markii aan gacanta galinay aan ka soo saarnay Bariis xumaaday oo waqtigiisu dhacay, waxana aan gacnta uga galinay ciidamada Booliska waxana aan ku daba jirnaa cidii iska lahayd oo baadhis ayaa ku socota,” ayuu yidhi maayir-ku-xigeenka magaalada Boorama.

 

Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xaddi, ayaa ka waramay khatarta ay badeecadaha dhacday ku hayso bulshada, isagoo yidhi; “Xil wayn baa na saaran oo cid baa nagula xisaabtamaysa masuuliyada nasaaran, ka nasan mayno inaan soo qaqabano oo aan daba galno alaabada dhacday, cida ka ganacsanaysana waxaan leenahay ka waan tooba, dadwaynahana waxaan leenahay waa sun alaabta dhacday ee noocan ah ee la iibinayaa ee meeshii aad ku aragtaan soo sheega annaga ayaa ka qaadayna tallaabo sharci ahe.”

 

Dhinaca kale, waxa isla shalay magaalada Boorama lagu gubay badeecooyin kala duwan oo isugu jiray saliid, sharaabka la cabo, kiriimka jidhka la marsado iyo dawooyin kala duwan kuwaas oo waqtigoodu dhacay.

 

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *