Brussels (Arraweelo News) Qaadhaanbixiyeyaasha caalamka, ayaa shirkii shalay ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belguim, kaga dhawaaqay inay dalka Soomaaliya ku taageeri doonaan lacag gaadhaysa $2.4 bilyan oo dollar, taasoo aad uga yar xadigii dhaqaale ee

 

 

dawladda Soomaaliya ka filaysay shirkaas.

 

Madaxweynaha Midawga Yurub Mr. Jose Manuel Barroso, ayaa gunnaanadkii shirka Soomaaliya loo qabtay ka sheegay in qaadhaanbixiyeyaasha caalamku halkaas ka ballanqaadeen inay Soomaaliya ku taageeraan lacag gaadhaysa 1.8 bilyan euro oo u dhiganta $2.4 bilyan oo dollar, taasoo loogu tallogalay in wax lagaga qabto xoojinta dhaqaalaha, dib-u-dhiska iyo wax-ka-qabashada ammaanka Soomaaliya, iyadoo dawladda Ingiriisku shirkaas kaga dhawaaqday lacag gaadhaysa 50 milyan oo shillinka Ingiriisiga ah (£50 milyan), una dhiganta $79.13 milyan oo dollar oo ay ugu tallogashay Somaliland iyo Soomaaliya.

 

“Aad baan ugu faraxsanahay in shirkii Brussels lagaga dhawaaqo lacago ballanqaad ah oo gaadhaya 1.8 bilyan oo Eurro ($2.4 bilyan dollar).” Sidaa waxa yidhi madaxweynaha Midawga Yurub, iyadoo ururka EU-da oo ay ku midoobeen 28 wadan oo reer Yurub ahi shirkaas ka sheegeen inay Soomaaliya ugu deeqeen lacag gaadhaysa 650 milyan euro, una dhiganta $862 milyan oo dollar, taasoo qayb ka ah lacagta xadigeedu dhan yahay $2.4 bilyan ee beesha caalamku ugu deeqday Soomaaliya, iyadoo lacagtaasina aad uga yar tahay qorshihii dawladda Soomaaliya diyaarsatay oo ku kacayey adduun ka badan $3 bilyan oo dollar.

 

Dawladda Ingiriiska ayaa shirkii shalay ka dhacay magaalada Brussels kaga dhawaaqday inay ku deeqayso lacag gaadhaysa $79.13 milyan oo dollar oo lagu kala saleeyey baahiyaha ka jira Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo Ingiriisku si gaar ah u shaaciyey lacag uu ugu tallogalay baahiyaha Somaliland.

 

Haweenay magaceeda la yidhaah Justine Greening oo ah Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan Ingiriiska, ayaa shirkii shalay ka sheegtay in lacagta gaadhaysa 50 milyan ee Ingiriiska ah ($79.13 doollar) ee Soomaaliya loogu deeqay  5 milyan oo lacagta Ingiriiska ah, una dhiganta in ka badan $7 milyan oo ka mid ah si gaar ah loogu tallogalay Jamhuuriyada Somaliland, taasoo ujeedadeedu tahay in wax lagaga qabto baahiyda dhinaca biyaha oo ay ka faa’iidaysan doonaan dad gaadhaya ilaa 500 kun oo qof oo ku dhaqan caasimada Hargeysa iyo guud ahaanba Somaliland.

 

Dhinaca kale, 5 milyan oo ka mid ah 50 milyan waxa Ingiriisku u qoondeeyey in lagu fulin doono cilmi-baadhis iyo kobcin lagu samaynayo adeegyada hay’adaha dhinaca maaliyada u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo dawladda Ingiriisku sheegtay in guud ahaan dhaqaalaha ay ku bixinayso Somaliland iyo Soomaaliya ay sare u qaadi doonaan dhaqaalaha, taasoo shaqo abuur u samayn doonta in ka badan 6 kun oo qof, isla markaana suurtogelin doonra inay abuurmaan ilaa 60 shirkadood, iyadoo qorshaha Ingiriisku yahay inay lacag kale oo dheeraad ah oo gaadhaysa $20 milyan oo dollar ku taageeri doonaan maalgashiga gaarka loo leeyahay ee Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Dhinaca kale, faraq aad u weyn baa u dhexeeya shirka shalay beesha caalamku u qabatay Soomaaliya marka la barbardhigo shir qaadhaan loogu ururinayey dalka Mali, kaasoo 15 May 2013 lagu qabtay isla magaalada Brussels ee uu ka dhacay shirkii Soomaalidu, iyadoo xilligaas loogu deeqay wadanka Mali lacag gaadhaysa $4.2 bilyan oo dollar, taasoo aad uga badan lacagta shalay loo ururiyey Soomaaliya.

 

Duulaan millatari oo dalka Faransiisku hormuud ka ahaa, ayaa horaantii sannadkan lagu qaaday dalka Mali si looga hortago in kooxo islaamiyiin ah oo xidhiidh la leh Al-qaacida, in muddo ahna gacanta ku hayey waqooyiga dalkaas ay xukunka ka tuuraan dawladda Mali, iyadoo markii jabhadaas islaamiga ah la jabiyey lagu dhawaaqay in la qabto shir caalami ah oo dhaqaale loogu ururiyey dalka Mali, iyadoo xilligaasna qaadhaan-bixiyeyaashu ku yabooheen lacag gaadhaysa $4.2 bilyan oo dollar, halka shirka Soomaaliya ee shalay caalamku ugu deeqay adduun dhan $2.4 bilyan oo dollar, iyadoo arrintaasi muujinayso in aan adduunku xilligan xiiso badan u qabin Soomaaliya.

info@araweelonews.com
What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *