Hargeysa(ANN)Gudoomiyaha Guddiga joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland Xaaji Cabdi Kariim Xuseen (Cabdi Waraabe) ayaa ka hadlay loolanka ka taagan xisbul xaakimka KULMIYE, wuxuuna sheegay in khilaafka xisbiga Kulmiye ka dhex taagan ee

 

musharaxnimada hogaanka xisbigaasi sababi karto in Kulmiye ku burburo doono sidii xisbigii UDUB ee Madaxweynihii Hore ee Somaliland Daahir Rayaale uu u baaba’ay oo kale.

Xaaji Cabdi Kariim oo ka mid ah Odayaasha ugu da’weyn golaha Guurtida ayaa  muujiyay dareenkiisa ah inuu ka cabsi qabo inuu xisbiga kulmiye soo waajaho burbur, isagoo talo usoo jeediyay kooxaha ku loolamaya hogaanka xisbigaa.

Xildhibaan C/kariim Xuseen (Cabdi waraabe), waxa uu sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu siiyay Wargeyska Haatuf, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Kulmiye waxaan ku odhan lahaa Kulmiye waxaa ka muuqata sidii xisbigii Udub ayuu baaba’ayaa oo burburiyaa, hogaan bay xisbiga u doorteen, maxay madaxda xisbigooda u samaysanayeen haday xilka ka qaadayaan, qolada xisbiga Kulmiye waxaan leeyahay Burburkii Udub ayaa idinku soo dhow waar isku tanaasula, kuligiin hadaydin madaxtinimo wada doontaan halkaydin kala xukumaysaan, gudoomiyaha xisbiga Kulmiyena waxay u doorteen Muuse Biixi maxay xilka ugu doorteen haday kursigaasi kaga daba imanayaan, Muuse Biixi waxaan leeyahay waar shira oo sidii Udub ha baabi’ina heshiiya oo isku tanaasula, oo qoladiina ka dambaysaa kala dambeeya”. ayuu yidhi Xaaji Cabdi Kariim.

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *