Nairobi(ANN)Dawlada Kenya ayaa ka cadhootay hadal Wasiiradda Arrimaha Dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, isla markaana ah raysal wasaare ku xigeen  ka jeedisay Shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. kadib

markii ay kasoo horjeesatay qorshaha wadamada shisheeye ee la xidiidha sidii Biyaha Soomaaliya loo geyn lahaa Ciidamo ka tirsan Kuwa AMISOM,  gaar ahaan Ciidamada Kenya oo la qorshaynayo in ay ka howl galaan Biyaha Soomaaliya.

Marwo Foosiya waxay sheegtay in Soomaaliya aanay ogolaanayn in Ciidamo badan la geeyo Biyiheeda, balse loo baahanyahay in  taas bedelkeeda la tayeeyo Ciidamada badda Soomaaliya, waxayna xustay in aanay jirin sabab ku khasbaysa in hawlgalka dagaalka lagula jiro Al Shabaab loo weeciyo badda Soomaaliya.

Hase yeeshee Dhawaaqa Wasiiradda Arrimaha debeda Somalia, waxa ka cadhooday Dawlada Kenya oo wadatay qorshaha la doonayay in golaha amaanku meel mariyo, balse Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Ambassador Maxamed Nuur Cali Ameerika oo la hadlay Wargeyska The Daily Nation ayaa waxa uu sharaxay waxa uu macno ahaan u dhacayo hadalkii Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay ka jeedisay golaha Amaanka Q/M, kaas oo ay kaga soo horjeesatay in Ciidamo Badeed oo AMISOM hoos taga la sameeyo, kuwaas oo ilaalinaya xeebaha Badda Somalia.

Ambassador Cali Ameeriko waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ujeedada ay isu hortaagtay in la sameeyo Ciidamo dhinaca Badddeeda ah  oo AMISOM ah ay tahay in dhaqaale badan uu ka baxayo. sidaa awgeed wuxuu ku dooday in taa badalkeeda loo baahanyahay  in la dhiso Ciidamada Ilaalada Xeebaha Soomaaliya.

“Waxaan doorbideynaa in nagala caawiyo dhismaha Ciidamadeena Ilaalada Xeebaha, kuwaasi oo ka qiimo yar,  kana faa’iido badan waqti dheerna anfacaya Amaanka Soomaaliya iyo ka gobolka.” Sidaasi waxaa yidhi Maxamed Nuur Cali Ameerika.

Maxamed Nuur Cali Ameerika waxa uu ku xusay  waraysiga uu siiyay Wargeyska The Daily Nation ee laga leeyahay Kenya in dawlada  Kenya ay si khalad  ah u fahantay hadalkii Ra’iisul wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Debeda Soomaaliya ay ka jeedisay golaha Amaanka , isagoo sheegay  in hadalkaasi macnihiisa aanu  u dhacayn in Soomaaliya ay ka soo horjeesatay taageero nooc kasta ah oo ay Kenya siiso.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kama soo horjeedo taageera kasta oo ay siinayaan Ciidamada Badda Kenya, dowladda Kenya iyada ayaa xaq u leh in ay go’aansato nooca taageero ee ay doonayso in ay ku caawinayso Soomaaliya.” ayuu yidhi  Cali Amerika.

Dhinaca kale dowladda Kenya ayaa ah dawladda keliya ee qayb ka ah  howlgalka AMISOM ee ciidamo dhinaca Biyaha Somalia ay ka joogaan Xeebaha Soomaaliya, waxayna u ololeynaysaa in Golaha Amaanka laga meel mariyo qaraar Ciidamo badeed oo AMISOM ah lagu sameeynayo,  kuwaas  oo kharashaad gaadhaya 10-Milyan oo Doolarka Maraykanka ah ay ku baxayso, balse dhawaaqa Haweenayda wasiirka Arrimaha debeda Somalia ee golaha amaanka ayaa ka cadhaysiiyay dawlada Kenya, kaas oo ka hor yimi qorshohooda ay ku doonayeen inay ku maamushaan Biyaha Somalia.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *