Muqdisho(ANN)Senator Keif Ellison oo ah Mudane ka tirsan Golaha Sanadka dowladda Mareekanka ayaa booqday maanta Magaalada Muqdisho, wuxuuna kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Seekh Maxamuud.

Kulanka Madaxweynaha Somalia iyo Senator Keif ayaa ahaa mid aan Saxaafadda loo ogolayn oo ay debeda ka Joogeen, isla markaana qaatay qadar ku dhow saacad, balse markii uu dhamaaday oo ay warbaahinta si wada jir ah ula hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Masuulkaasi ka tirsan Aqalka Koongareeska dowladda Mareekanku .

Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay inuu ku wargeliyay Xildhibaanka muhiimadda uu leeyahay xidhiidhka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, isagoo dhinaca kalena uga waramay Senator Keif horumarka ay Soomaaliya gaadhay iyo in marxalada ay hadda ku jirto ay tahay xaalad ay kasoo kabsaneyso dhibaatadii ku dhacay.

Sidoo kale wuxuu uga mahad celiyay dawlada Maraykanka taagerada ay dowladda Soomaaliya taagertay, isagoo xusay  in gobolka Minnesota ay degan yihiin Soomaalida ugu badan sidaa awgeed ay  farxad u tahay  in Xildhibaanku ogaado xaaladda dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya, isla markaana uu  ka rajaynayo in uu fariin ka warbixinaysa horumarka ka jira Muqdisho uu gudbin doono.

Madaxeyne Xassan waxa uu ka  hadlay cadaaladda iyo muhiimadda ay u leedahay dowladda uu Madaxweynaha ka yahay, isagoo xusay in ay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan lixda Tiir Siyaasadeed ee dowladda. sidaa awgeed ay doonayaan in Soomaaliya nabada dib loogu soo celiyo.

Senator Keif Elison ayaa dhiniciisa  sheegay in uu ad ugu faraxsanyahay booqashadiisa Magaalada Muqdisho oo sida uu xusay uu hore u balanqaaday, wuxuuna tilmaamay inuu dawladiisa u gudbin doono taageerada ay u baahan yihiin Bulshada Soomaalida iyo xaalada dhabta ah ee Muqdisho.

Keith Ellison oo laga soo doorto degmada shanaad ee gobolka Minnesota oo Soomaalidu ay ku badan tahay ayaa waxyaabaha uu kala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka mid ah dhibaatooyinka ay sababeen xayiraadaha lacagaha xawaaladaha ee Mareykanku adkeeyay, isagoo rumaysan in lacago loo soo mariyo dagaalyahanka Al-shabaab.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *