Xaaji cabdi WaraabeHargeysa(Araweelo News Network) Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Odayaasha Guurtida Somaliland Xaaji C/Kariin Xuseen (Cabdi-Waraabe) ayaa baaq tallooyin iyo  hoggatusaalayn ah

 

 

kaga garnaqay eedaymo iyo dhaleecayn  ay maalmihii u danbeeyay saxaafadda isku weydaarsanayeen Guddoomiyeha Xisbiga  Mucaaridka ee UCID,  Eng. Faysal Cali-Waraabe iyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, kuwaas oo ereyo xanaf-leh is weydaarsaday.

Hase yeeshee Xaaji C/kariim oo arrintaa ka hadlay ayaa laba masuul midwalba fariin baaq ah u diray, wuxuuna marka hore kula dardaarmay guud ahaan siyaasiyiinta inay ka waantoobaan dhawaaqyada xanafta-leh ee warbaahinta la isu mariyo,  isla markaana aanay fursad siinnin shaydaanka doonnaya inuu dab ku huriyo kana faa’iidaysto khilaafka musliimiinta.

 

Xaaji Cabdi, waxa uu sidaa ku sheegay mar  uu maanta wareysi gaar ah siiyay hawl-wadeenno ka tirsan Akademiga Suugaanta iyo Cilmi-baadhista, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Waxa aan ka xumahay oo hadal yar aan ka odhanayaa hadallada dhex maray Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Faysal Cali Xuseen, awalka nin ma habboona in nin madax ahi wax caayo ama la caayo, haddii masuul af-legaaddo loo jeedinaya derejadaa la caayayaa”.

 

Xaaji Cabdi oo dhambaal waayeelnimo u diraya Guddoomiyeha UCID ayaa yidhi “Faysalow xisbi weyn baan dhisayaa iyo waan ilaaqtamayaa, madaxdana waan caayayaa waa kala laba isumana dhawa. Xisbigu sidaas waa ku baaba’ayaa iyagana sharafki waa ka duulayaa, halkaa waxa aan leeyahay Faysaloow waddadaa ka noqo magac baad leedahay, mid iyada inaad Somaliland tahay caamku waa ku yaqaannaa laakiin dadka ha iska eryin afkaaga ayaa dadka kaa fogaynaya. Nin masuula oo meel gaadhay inuu isagu degdeg wax u qabto mooyaane in la qabtaa waa xaaraan. Faysaloow waxa aan kugu wacdiyayaa inaad qadafkaa ka noqoto.

 

Dhinaca kale Xaaji Cabdi Xuseen ayaa waxsheeg odaynimo hawada u mariyay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada waxaanu yidhi “Xirsi waxa aan leeyahay adigu madax baad tahay laantii u sarreysay ayaad tahay mansabkaa ku caawinaya hadduu Faysal qaldamo oo uu meel ka dhaco inaad adna ka daba tidhaado ma aha, waa inaad ka aamustaa. Aamuuskaa ku caawinaya oo kaaga sharaf roon. Sharafku waxa uu ku jiraa ninka ku caaya oo aanad caayin. Kol haddaad derejadaa gaadho oo aad Jamhuuriyadda madaxdeeda ka tirsan tahay inaad wax iska celi tidhaahdo maaha. Xishoodku wuu ku saacidayaa oo dadka oo dhan baa kugu raacaya. Xirsina waxa aan leeyahay ha u noqon hal-celintaa”.

 

Ugu dambayntii Odayga ugu da’da weyn Golaha Guurtida Somaliland ayaa xusay qaab maagal ah oo ay mucaaridku si bilaa turxaan ah ugu dhaliili karaan xukuumadda, una horseedi kara inay kasbadaan taageerayaal, isaga oo si adag uga digay adeegsiga kelmado curin kara naxli kala fogeeya bulshada waxaanu yidhi “Mucaaridku waa inuu garsheegaa oo wax shicibku ku raaco tilmaamaa oo maxay ah wershaha ha la sameeyo, waddooyinka ha la dhiso, nabadgelyada ha loo feejignaado, shidaal ha la loo saaro, dhallinyarada shaqo ha loo abuuro, dumarka ha la horumariyo. Ninkii xisbi doonaya waxa aan leeyahay mucaaridku waddooyin ayuu leeyahay.” Ayuu yidhi Xaaji Cabdi.

Siciid Maxamed Gahayr.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *