cukuseHargeysa(Araweelo News Newtwork)Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa maanta jawaab kulul ka bixiyay dhaleecayn

 

Guddoomiyaha xisbiga UCID u jeediyay Madaxweynaha Somaliland Iyo Wasiirkiisa Madaxtooyadda.

 

Wasiir Cukuse ayaa ku tilmaamay dhawaaqa Faysal Cali Waraabe ka soo yeedhay yahay mid ceeb ku ah qaranimadda,  isla markaana aan la qaadan Karin oo caqliga ummadda Somaliland wax u dhimaya, wuxuuna sidaa ka shegay khudbad uu ka jeediyay Kulan balaadhan oo uu xarunta wasaaradaa kula yeeshay shaqaallaha ka hawl-gala qeybaha kala duwan ee wasaaradda.

 

Cabdilaahi Cukuse oo arrinamaa ka jawaabaya waxa uu yidhi,  “Waxaad arkaysaa dalkeena qof caqliga shacbiga caayaya oo caqliga dawladda caayaya oo caqliga ummadda caayaya oo inta uu makarafoon soo istaago siyaasi ah oo odhanaya halkan dawladdi kama jirto,  Madaxweynihii qaranka loo doortay mahayo shaqaddiisa ee waxa haya hebel qof kale ayuu sheegayaa. Dhaqanka noocaas ah Suxufiga wanaagsani ma faafiyo suxufiga wanaagsani haddii uu madax banaan yahay iyo haddii uu mid dawladeed yahayba ma faafiyo warka noocaas ah.”

 

“Arrintaasi dhaqan wanaagsan ma aha in ummadda la caayo ma aha, Madaxweynaha Somaliland waa madaxweynihii uu la sharaxnaa ee doorashadii isaga (Guddoomiyaha UCID) 100% foodka kaga helay. Markaa inuu yidhaahdo ma shaqaynayo dadku ninka ay jecel yihiin way doorteen waana Madaxweyne Axmed Siilaanyo, isagaana xilka haya. Eedaymaha noocaas ahina qaranimadda ceeb iyo waxaan la qaadan Karin ayay ku tahay,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

 

Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse waxa uu amaanay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, isagoo  ku tilmaamay Wasiir Isaga la mid ah, balse  leh mustaqbal soo ifaya, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi,  “Wasiirka Madaxtooyaddu, Waa Wasiir Aniga ila mid ah, Waa Wasiir Wasiirrada ka mid ah, laakiin mustaqbal ifaya ayuu leeyahay, Ninka Xaasidka ahna waxaanu leenahay ILAAHII abuurtay ayaa mustaqbalkaas ifaya ugu deeqay, ugu ducee, ku kaalmee habaarka ka daa maxaad u xaasidaysaa?.”

 

Wasiirka Warfaafinta waxa uu sheegay In Wasiir Xirsi Illaahay siiyay karti ka weyn xilka Wasiirnimo, iyaguna ay soo dhawaynayaan, waxaanu yidhi “Wasiir Xirsi Mustaqbal Wasiirnimaddan ka weyn ayuu leeyahay oo uu ILAAHAY siiyay oo ifaya, Annaguna waanu soo dhawaynaynaa. Qof kasta oo muwaadin ah oo reer Somaliland ah oo karti noocaas oo kale ah la yimaadana Illaahay  ha u siyaadiyo, ma xaasidayno Annaggu. Ka xaasidayana waxaanu leenahay Illaahay uurkaaga biyo qabow ha ku shubo oo Illaahay calooshaada ha hagaajiyo.” Ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *