Ankara(Arraweelo News) Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inay ajandaha shirka Istanbul ee wada hadalladda Somaliland iyo Soomaaliya ay geeyeen qodobo ka turjumaya masaalixda iyo danaha Somaliland isla markaana ay

 

qaranka ay matalayaan u soo bandhigi doonaan inay difaacaan qadiyadda Somaliland.

Wasiirku waxa uu sidaaa ku sheegay mar uu u waramayay saxaafadda,  isagoo ku sugan magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga oo ay maanta si rasmi ah uga furmeen is araggii afraad ee wada hadalladda Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu sheegay in ajandaha shirkan horyaalaa uu ka kooban yahay 10 qodob oo ay soo diyaariyeen guddi afar xubnood ka kooban oo isku dhaf ah.

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu taxay qodobadda ay ergaddii Somaliland ku guulaysteen in lagu darro ajandaha laga wada hadlayo, waxaanu yidhi “Shirkii saaka ayuu si fiican u furmay, waxa ajandaha samayntiisa loo saaray afar xubnood oo ka kala socday labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya, ajandihii aanu wadanay Somaliland ahaan iyo kuwii ay wateen Soomaaliya ayaa la isku keenay. Ka dibna dood badan ka dib toban qodob ayaa lagu heshiiyay oo ajande ah oo miiska yaala, ajandaha macnihiisu ma aha in lagu heshiiyay ee waa waxa miiska la soo dhigo.”

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu tafaasiil ka bixiyay ajandaha ay shirka soo hordhigeen ee ay wateen ergaddii reer Somaliland, isagoo arrintaasi iftiiminayayna waxa uu yidhi “Ajandihii annagu weftigii Reer Somaliland ka socday ay wateen waxa uu ahaa qodobka koowaad ee u horeeyay inay aqbalaan oo aqoonsadaan la soo noqoshadii madax-banaanidda iyo gooni isku taaga jamhuuriyadda Somaliland, qaranka Somaliland waxay gooni isu taagooda iyo madax-banaanidooda la soo noqdeen 1991-kii hase yeeshee waxaanu miiska keenay inay aqoonsadaan arrintaasi.”

“Qoddobka labaad waxa uu ahaa inay ogolaadaan oo nidaamkeedii la mariyo wixii dhibaato loo geystay dal iyo dad reer Somaliland ee ka soo gaadhay taliskii kali taliska ahaa ee Maxamed Siyaad Barre, maadaama oo dalku ku burburay, dadkuna ku burbureen oo dhibaatadaas loo geystay oo dadkii dambiileyaasha ahaa ee dhibtaas geystayna sharciga la horkeeno ayaanu miiska shirkan soo dhignay,”ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu intaas ku ladhay “Qodobka sadexaad ee aanu shirka soo dhignay waxa uu ahaa inta uu socdo wada hadalku inay ogolaadaan waxa la yidhaahdo (Defucto Stus) oo ah Somaliland aqoonsiga inta aanay gaadhin in la sameeyo nidaam ama hab lagu macaamilo oo macaamilo innagu dhex mari karto, sida imikaba dunida kale mucaamilo noocan oo kale ahi noo dhex marto haddii aanu Somaliland nahay.”

“Waxa kale oo aanu miiska shirkan soo dhignay in muranka laga saaro arrinta khilaafka taagan ee maamulka hawadda Somaliland iyo in khayraadka dabiiciga ah oo isna lagu murmo in dhinacba wixiisa ILAAHAY u calfay qaadato. Annagu qodobadaas ayaanu miiska soo dhignay iyaguna arrimo kuwaas oo kale ah ayay soo dhigeen.”ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu tilmaamay inuu rajaynayo in wada hadaladan guul iyo is faham laga gaadho, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan rajaynayaa in wada hadalladan guul laga gaadho oo is faham ka yimaado oo daraf waliba guul ka gaadho.”

“Dadka reer Somaliland waxaan ugu bushaaraynayaa wixii ay noo igmadeen ee ay noo dirteen inaanu inshaalaahu tacaalaa ku metali doono oo aanu geynay miiska, una soo gudbin doono wax u cuntama,”ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Wasiir Xirsi.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *