Boorama(ANN) Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegay inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo bisha October ee sannadkan 2011 ay dalka  keeni doonto idaacad awood badan oo dalka oo dhan wada gaadhaysa, taas oo sida uu xusay laga

 

dhegaysanay doono meel walba.
Mr. Xaabsade oo socdaal hawleed ku jooga magaalada Boorama ee xarinta gobolka Awdal waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Huteelka Rays. Sidoo kalena waxa uu jawaab ka bixiyay su’aal la xidhiidhay waxa ay xukuumadda Somaliland ka yeelay masuuliyiinta bishii hore maamulka puntland ka afduubneen duleedka Taleex ee ay ku rideen xukunada.
Wasiirka Wasaarada warfaafinta ee Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu shirkaa jaraa’id kaga warbixiyay waxqabadyo  kala duwan oo sida uu sheegay  wasaarada warfaafinta ka hirgalay mudadii ay xukuumadda cusub ee uu ka tirsan yahay talada dalka haysay,  wuxuuna  xusay in markii u horaysay ay ku guulaysteen in telefishanka Qaranka la gaadhsiiyay guud ahaan qaarada Yurub,  isagoo talaabadaas ku tilmaamay mid ka mid ah waxqabadyada ay u xusul duuban yihiin hirgalintooda.
Oday  Xaabsade, waxa uu ka hadlay baahida ay ummada Somaliland u qabto sidii loo heli lahaa idaacad wada gaadha  dalka  oo meel walba laga dhegeysto, isagoo  cadeeyay in qorshaha ku talo galkoodu uu yahay sidii bisha tobnaad ee sannadkan 2011 ay u keeni lahaayeen idaacadii weynayd ee ay xukuumadu balan qaaday,  isla markaana ay si sharci ah u naadiyeen shirkadda keenaysa taas oo mar hore soo dhamaatay. Laakiin wasiirku ma xusin halka lagu naadiyay qandaraaska Idaacada.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mr. Xaabsade wuxuu ka hadlay cabshooyinka saxaafada ee dhinaca Xukuumadda, isagoo  ku dooday in xukuumadiisu ay si hufan ula dhaqanto saxaafada madaxa banaan ee dalka waxaanu meesha ka saaray inaanay  jirin wax cabudhin ah oo dawladu ku hayso warbaahinta.
Laakiin  waxa uu ku eedeeyay qaar ka mid ah saxaafada dalka inay baahiyaan warar uu ku sifeeyay xajiimayn oo wax u dhimi kara sumcada qaranimada Somaliland iyo dedaalada loogu jiro in qarankani aqoonsi caalami ah ka helo adduun weynaha, balse muu magcaabin kuwa ay yihiin.
Mar uu si gaara ula hadlayay suxufiyiinta gobolka Awdal waxa uu sheegay in looga baahan yahay sidii ay bulshadooda ugu adeega lahaayeen si wadaniyadi ku jirto, isagoo usoo jeediyay inay  ka dhawrsoonaadaan wax kasta oo iska horkeenaya ummadooda,  isla markaana ay kaalintooda ka ciyaaraan sii xoojinta horumarka iyo nabadgalyada dalka.
\
Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mr. Axmed Cabdi Xaabsade oo wax laga weydiiyay waxay  xukuumad ahaan ka yeelayaan mas’uuliyiintii duleedka degmada Taleex ee Gobolka Sool ee ay horaantii August  ka afduubeen malayshiyada  ka tirsan maamulka Garoowe waxa uu sheegay in arrintan loo saaray gudi todoba xubnood ah oo ka tirsan golaha Wasiirada, kuwaas  oo  uu sheegay inay hawshaa ku dhex jiraan, wuxuuna intaa ku daray   inay arrintaasi  sida uu dhakhsaha badan ay ku soo dhamaan doonto. Laakiin muu sharixin qaabka gudidaasi u wado iyo inuu jiro wada hadal dhinaca Somaliland iyo Puntland oo arrintaa la xidhiidha.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *