Hargeysa(ANN) Ciidanka Booliska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay koox looga shakiyay inay qorshaynayeen sidii ay hawlgalo argagixiso uga fulin lahaayeen masjid jaamaca weyn ee magaalada Hargeysa oo shalay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo kula tukaday boqolaal qof. Kooxda ciidanka

Boolisku qabteen ayaa la qabtay wax yar ka hor intii aanu Madaxweynuhu gaadhin Masjidkaa, waxaana sadex Nin oo ka mid ah  laga qabtay duleedka woqooyi ee masjidka debediisa ee dhinaca Qiblada oo ahayd halka uu Madaxweynuhu kasoo gelayay. Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay  saraakiil kala duwan oo ka tirsan cidanka Booliska iyo Hay’addaha kale ee amaanka.  “Waxay ahaayeen dad laga shakiyay inay qorshaynayeen falal argagixiso, waana saddex nin, waxaana gacanta ku haya ciidanka oo baadhaya” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah saraakiisha amaanka oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso. 
Hase yeeshee warar kale oo shebekada Araweelonews ka heshay ilo wareedyo kale ayaa sheegay in mid ka mid ah raggaa uu baxsaday oo ay ciidanku baacsadeen markii uu goobtaa ka cararay, balse aanay ku guulaysan inay gacanta ku dhigaan, iyadoo sadexdaa Nin la geeyay isla shalayba xarunta CID oo ay ku xidhan yihiin.
Sidoo kale wararka aanu ka helay  dhinaca saraakiisha amaanka ayaa sheegaya in kooxdani ahaayeen kuwo lagu raad joogay oo ay ciidamada amaanka iyo hay’addaha kale ee la shaqeeyaa daba socdeen maalmihii u danbeeyay, waxayna  wararka arrintaa la xidhiidhaa sheegayaan inay raggaa la qabtay ka yimaadeen dhinaca Koonfurta Somalia ee ay kooxaha  Al-shabaab intooda baddan maamulaan, isla markaana ka wadaan dagaalada ay kula jiraan dawladda taagta daran ee Somalia iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *